Madaxweynaha Somaliland iyo Raysal Wasaaraha Dowladda Itoobiya oo Kulmay iyo Nuxurka Qodobada Lagaga Wada Hadlay

0
675

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey oo ku sugan caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, ayaa waxa xafiiskiisa ku qaabilay Raysal wasaaraha dalka Itoobiya Dr. Abiy Ahmed.

Kulanka dhexmaray madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Raysal-wasaaraha dawladda federalka Itoobiya, ayaa lagaga wada-hadlay arrimo badan oo khuseeya danaha labada dal oo ay ka mid yihiin xoojinta xidhiidhka iyo is-kaashiga labada waddan ee Somaliland iyo Itoobiya, Amniga iyo nabadgelyada, siyaasadda, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo horumarka dhaqan-dhaqaale ee waddamada geeska Afrika.

Dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya, ayaa waxa ka dhexeeya xidhiidh qoto dheer oo soo jireen ah, xidhiidhkaas oo salka ku haya deris-wanaag, xidhiidh ganacsi iyo mid siyaasadeed oo guun ah.

Kulanka dhexmaray madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Raysal wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed, ayaa waxa ku wehelinayey wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, Dr. Workneh Gebeyehu iyo madaxa xafiiska Raysal wasaaraha Itoobiya, dhinaca Somaliland-na waxa madaxweynaha wehelinayey wasiirrada wasaaraha arrimaha dibadda iyo xidhiidhka caalamiga ah, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Farotoon), arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire iyo wasiirka wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo dalxiiska, Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), waxana kulankaasi uu kusoo dhammaaday guul iyo is af-garad buuxa.

Dhinaca kale weftiga Somaliland ee uu hoggaaminayay Madaxweynaha Somaliland, ayaa markii uu shalay ka dhoofayay madaarka caalamiga ah ee Cigaal ee Hargeysa waxaa warbaahinta la hadlay Wasiirka wasaaradda Arrimaha dibedda Somaliland Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Farotoon).

Waxaanu faah faahin ka bixiyay socdaalka rasmiga ah ee weftiga Madaxweynaha Somaliland ku tegayeen dalka Itoobiya iyo waxyaabaha lagaga wada hadli doono. Waxaanu yidhi “Madaxweynuhu waxa uu casuumad rasmi ah ka helay Raysal wasaaraha dalka Itoobiya, waxaanay isaga iyo weftiga uu hoggaaminayaa u tegayaan inay ka wada-hadlaan danaha iyo xidhiidhka ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Federaalka Itoobiya.”

Xubnaha weftiga ah ee madaxweynaha ku wehelinaya booqashada rasmiga ah ee uu dalka Itoobiya ku tegay, ayaa waxa ka mid ah wasiirrada wasaaradaha, Arrimaha dibadda, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Farotoon, arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire iyo wasiirka wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska, Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin).

Qaabilaadda Weftiga Madaxweynaha Somaliland uu qaabilay Raysal-wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed, ayaa ahayd mid heerkeeda dublamaasiyadeed uu dhammaystirnaa oo ahayd ta ugu sarraysa ee Raysal-wasaare Aby Axmed uu ku qaabilo madaxweyneyaasha iyo hoggaamiyeyaasha dunida ee dalka Itoobiya booqda.

Waxaana kulanka Raysal-wasaaraha iyo weftiga Madaxweynaha ka horreeyay soo dhawayn madaxda dawladda Itoobiya ay ku qaabishay kuna soo dhawaysay weftiga Madaxweyne Muuse Biixi oo ay kaga hor tageen madaarka caalamiga ah ee Addis Ababa.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply