WEEDHA WARGEYSKA Fashilaadda Ku Dhacday Faankii Farmaajo

0
528

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu Arbacadii [20 Feb 2019] u socdaalay dalka Itoobiya, kadib markii uu martiqaad rasmiya ka helay Ra’iisal Wasaaraha dalkaas, Mudane Aby Axmad, sida caadada u ah hoggaamiyayaashana kollay markay kulmaan, waxa ay ka wada hadlaan waa danaha iyo masaalixda labada dal.

Labada Dawladood iyo shacbigooduba waxa ka dhaxeeya xidhiidh qoto dheer oo derisnimo oo aad u wanaagsan, mid ganacsi, amni, siyaasadeed iyo bulsho, taas oo aanay waxba iska beddelin tan iyo intay la soo noqotay Jamhuuriyadda Somaliland madaxbannaanideedii 18-kii May 1991kii, waxaanu xidhiidhka labada dal ee Walaalaha ahaa mid sii kobcayey sannadba sannadka ka sii dembeeya.

Booqashada dalka Itoobiya ee Madaxweyne Muuse Biixi, waa mid iyana lagu sii xoojinayo, laguna sii kobcinayo cilaaqaadka labada dal, had iyo jeerna waxa mar kasta sal u ah xidhiidhkaas danaha labad dal iswaafajintooda, iyadoo aan laga tageyn maslaxadda guud.

Wafdiga uu hoggaaminayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland markay ka degeen dhabbaha diyaaradaha ee magaalada AddisAbaba, waxa lagu qaabilay markii ugu horreysay hab-maamuus si aad ah uga duwan kuwii hore, lana heer ah kuwa hoggaamiyayaasha kale ee Caalamka lagu qaabilo.

Hoolka VIP-ga loo yaqaan ee Madaarka oo ah goobta kowaad ee nasashada oo loogu talo galay in halkaa Madaxdu wixii xogo ah ku siiyaan Warbaahinta ee la xidhiidha booqashadooda iyo sidoo kaleba markay ka ambabaxayaan dalka ay yimaadeen, ayaa waxa ku sii diyaar ahaa kursiga la fadhiisanayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland dhinaciisa midig Calanka Jamhuuriyadda Somaliland iyada oo dhinaca kursiga kale ee Itoobiyana laga dhinac qotomiyey kursigiisa Calanka dalka martida loo yahay.

Muuqaalkan dhabta ah ee lagu sii diyaariyey hoolka nasashada ee VIP-ga Madaarka Addis Ababa iyo martiqaadka rasmiga ahiba, waxay u quus goynayaan Farmaajo iyo colkiisii meelo badan kaga addimay inuu ka soo xidhay Somaliland albaabkii ay ka geli jireen oo ay ku tilmaami jireen inuu ahaa ka Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya.

Geesta kale waxa ay booqashadan rasmiga ah ee uu Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya u fidiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalilnad iyo wafdigiisa beenineysaa Xisbiga mucaaridka ee Waddani oo fagaare kasta la soo taagnaa beentii ahayd (ITOOBIYA AYAA ALBAABADA KASOO XIDHATAY XUKUUMADDA UU HOGGAAMIYO MADAXWEYNE MUUSE BIIXI,) taasoo run ahaan lagu cabbiri karo heerka ay gaadhsiisan tahay mucaaradadda Xisbiga Waddani iyo sidoo kale hab-dhaqankiisa siyaasadeedba.

Dhammaan bootadii iyo is-xambaboorkii Farmaajo waxa durba daawaha saaray oo kale, kadib markuu madaarka Addis ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo wafdigiisa Wasiirka Maaliyadda iyo iskaashiga Caalamiga ee dalka Itoobiya oo ah mas’uulka ku soo dhaweeya dalka Itoobiya dhammaan Madaxweynayaasha iyo Ra’iisal Wasaarayaasha. Tusaale ahaan Wasiirku waxa uu hore ugu soo dhaweeyey dalkiisa isagoo ka Wakiil ah Ra’iisal Wasaarihiisa Madaxweynayaasha dalalka Masar, Ruwanda, Nigeria, Kenya, Sudan, Uganda iyo kuwa kale oo badan.

Siyaasaddu uma baahna qar iska-tuur iyo qarjajac, balse waa mid kaa doonaysa foojignaan, ka fiirsasho dhinacyo badan iyo deganaansho, waxayna inta badan kaaga baahan tahay inaad marka hore adeegsato janallo diblomaasiyadeed, haddiiba ay isbeddelo xagga siyaasadda ahi ku yimaadaan mandaqadda ay degaan ahaan iyo istraatijiyad ahaanba ka tirsan tahay.

Haddaba, markii uu dhaqdhaqaaq isbeddel oo dhinaca siyaasadda ahi ka yara muuqday Gobolka geeska Afrika oo ay ka mid tahay Somaliland, waxaynu odhan karnaa Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ku wajahday siyaasad iyo diblomaasiyad aan hadba gees u liicliiceyn oo xambaarsan deganaansho, waana ta maanta keentay in lagu xushmeeyo Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana si sharaf iyo karaamo leh loo casuumo, loona soo dhaweeyo si heer Qaran ah, sidaa awgeed waxaan shacbigeena usoo jeedinayaa inay ka fiirsadaan kubbad kasta oo siyaasadeed oo loo soo dhigo masraxa kahor inta aanay si degdeg ah isaga laadin, maadaama aan degdeggaa hore ugu seegnay wax badan oo qiimo aan la goyn Karin innagu joogay.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply