Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaabilay Safiir ku-xigeenka Denmark U Fadhida Dalka Kenya+Sawiro.

0
524

Hargeysa(Dawan)Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna ku-siamaha Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiir ku-xigeen dawladda Denmark u fadhida dalka Kenya Ms. Nina Berg oo socdaal ku timi Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulankaasi ayaa lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka u dhaxeeya labada dal ee Denmark iyo Somaliland iyo dardargelinta kaalmada ay dawladda Denmark kaga qayb-qaadato mashaariicda horumarineed ee Jamhuuriyadda Somaliland ka socda.

Kulankan, ayaa waxa madaxweyne-ku-xigeenka ku wehelinayey wasiirka wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta qaranka, waxaanu kulankaasi ku soo dhammaaday guul iyo is afgarad buuxa.

ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Image may contain: 2 people

Image may contain: 1 person, sitting and indoorImage may contain: 3 people, people sitting, table and indoor

Image may contain: 3 people, people sitting and indoor

Image may contain: 2 people

Leave a Reply