Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Booqday Safaaradda Somaliland Ku Leedahay Dalka Itoobiya

0
566

Hargeysa(Dawan)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftiga uu hoggaaminayo oo ku guda jira safarka shaqo ee ay ku joogaan dalka Itoobiya, ayaa maanta booqasho  ku tegay safaaradda Somaliland ku leedahay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa.

Madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah ee wehelinaya, ayaa waxa safaaradda kusoo dhaweeyey safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya, Ambassador Axmed Xasan Cigaal, ku xigeenkiisa iyo shaqaale weynaha ka hawlgala safaaradda Somaliland ee dalka Itoobiya, safiirka Somaliland ayaa madaxweynaha siiyey warbixin ku saabsan qaabka ay safaaraddu u shaqayso, qorsheyaasha u qabsoomay iyo horumarka ay ka sameeyeen xoojinta xidhiidhka labada dal.

Madaxweynuhu waxa u safiirka iyo guud ahaanba shaqaale weynaha safaaradda Somaliland ku leedahay dalka Itoobiya ku bogaadiyey sida hagar la’aanta ah ee ay qarankooda ugu shaqaynayaan, waxana uu ku boorriyey inay halkaa ka sii wadaan dedaalkooda.

Image may contain: 1 person, sitting and indoor

Image may contain: 13 people, people smiling, people standing

Image may contain: 4 people, people standing, suit and outdoor

Image may contain: 3 people, people standing

Image may contain: 1 person, sitting

 

Leave a Reply