Madaxweyne ku xigeenka oo Ka Qayb Galay Xuska Maalinta Dhalinyaradda Somaliland

0
453

Hargeysa (Dawan) Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa shalay ka qayb-galay xuska 20-ka February oo ah maalinta dhalinyaradda Somaliland.

Maalintan 20-ka bisha February oo ku astaysan maalinta dhalinyaradda Somaliland ayaa ku beegan maalintii dhalinyaradda reer Somaliland ay dhagax tuurka kala hortageen taliskii macangaga ahaa ee keligii taliye Maxamed Siyaad Barre sannadkii 1982-kii.

Xuskan oo ay soo wada qaban qaabiyeen wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Somaliland iyo dallada Dhalinyaradda Somaliland ee SONYO ayaa waxa kala qayb galay xuskan Xubno Wasiiro ah, Guddoomiyaha dallada SONYO iyo madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaana ugu horeyn halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Dallada Dhalinyaradda Somaliland ee SONYO Cabdicasiis Siciid Saalax, waxaanu ka hadlay horumarka ay gaadhey dallada dhalinyaradda Somaliland ee SONYO iyo hiigsigeeda, isaga oo sheegay in gaboodkan loo sameeyey sidii codka dhalinyaradda loo midayn lahaa, hiigsiga, himilada iyo waxyalaaha ay dhalinyaraddu u baahan yihiin madaxda loo gaadhsiin lahaa .

Dhinaciisa Wasiirka Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Somaliland Boos Mirre Maxamed ayaa Hay’addaha dalka ka shaqeeya iyo ganacsatada dalka usoo jeediyey in laga wada qayb qaato sidii dhalinyaradda dalka loo caawin lahaa, maadaama oo ay dalka ka yihiin 70% .

Waxa iyaguna dhinacooda goobtaasi ka hadlay wasiirka wasaaradda Shaqo gelinta Somaliland Marwo Hinda Jaamac Gaani iyo madaxa dawladda Ingiriiska u qaabilsan xafiiska ay ku lee dahay Somaliland, kuwaasi oo iyaguna dhalinyaradda Somaliland ku bogaadiyey xuska maalinta 20 February.

Ugu dambayn madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici ayaa munaasibadaasi ka hadlay, isaga oo sheegay in xukuumada Somaliland ay diyaar u tahay sidii ay dhalinyaradda Somaliland wax ula qaban lahayd, waxaanu u soo jeediyey dhalinyaradda in aanay waqtigooda ku luminin qabyaalad iyo balwadaha aan loo baahnayn ee ay noqdaan dad u diyaar ah shaqo iyo horumar.

Dhinaca kale waxa uu ka hadlay Doorashooyinka Goleyaasha Wakiilada iyo Degaanka Somaliland isaga oo sheegay in loo baahan yahay in loo wada diyaar garoobo sidii doorasho xor iyo xalaal ah loogu diyaar garoobi lahaa, ciddii wax wanaagsan waddana ay dhalinyaraddu u taageeri lahaayeen, sidoo kalena ciddii xumaan wadda dhinac loogaga soo wada jeesan lahaa.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa kormeer ku soo maray goobo lagu soo bandhigay waxyaalo ay ikhtiraaceen dhalinyarro reer Somaliland ah oo ay dalka Somaliland ku sameeyeen .

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply