Xukuumada Somaliland Oo Dawladda Ethiopia Uga Mahad Celisay Habkii Ay Usoo Dhoweysay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland .

0
475

Hargeysa(Dawan)Xukuumada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa uga mahadcelisay dawladda Ethiopia sidii ay usoo dhoweeyeen madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigiisa socdaalka shaqo ku jooga magaaladda Addis Ababa ee casimada dalka Ethiopia .

 

Sidaasna waxa lagu sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray afhayeenka madaxtooyada Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac oo nuqul kamid ahi soo gaadhey wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA , Kaas oo u qornaa sidan :-

 

Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay uga mahadcelinaysaa Dawladda Federaal-ka iyo shacabka Itoobiya sidii milgaha iyo maamuuska lahayd ee ay u soo dhaweeyeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftiga ballaadhan ee uu hogaaminayo oo booqasho rasmi ah ku jooga caasimada dalka Itoobiya ee Addis Ababa.

 

Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay soo dhawaynaysaa, lana qabtaa Ra’iisal Wasaaraha Dalka Itoobiya Dr. Abiy Ahmed in Geeska Afrika noqdo meel nabad ah. Dalalka Geeska Afrikana iyadoo mid walba la qadarinayo jiritaankooda dhuleed iyo madax-bannaanidooda qarannimo, in ay iska kaashadaan dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo horumarka mandaqadda.

 

Shirkii weftiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu la yeeshay Ra’iisal Wasaaraha dalka Ethiopia waxa la isku af-gartay in arrimaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya lagu xalliyo wada-hadal iyo fagaare caalami ah, lagana fogaado wax kasta oo keeni kara colaado cusub iyo xasarado hor-leh oo ka curta Gobolka Geeska Afrika, gaar ahaanna dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya oo ay hore u dhex-mareen colaado lagu hoobtay.

 

Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku aas-aasantay go’aan shacbi, waxaanay tixgelinaysaa deris-wanaagga iyo nabad ku-wada-noolaanshaha waddamada deriska ee geeska Afrika iyo kuwa beesha caalamka. Balse wada-hadal iyo nabad waarta waxay ku imanayaan Soomaaliya oo ka waantowda been abuurka, cadaawadda, iyo colaadda ay u hayso shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo horumarkooda.

Leave a Reply