Maxaa ku Cusbaa Qaabilaaddii Weftiga Madaxweynaha Somaliland ee Itoobiya?

0
447

Addis Abab (Dawan):- Waxaa shalay soo afjarantay hadal hayn siyaasiyiinta in dhow aragga ahi ay bulshada ku jaah-wareerin jireen oo ay ku celcelin jireen, isla markaana ay odhan jireen waxaa xumaaday xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya intii uu xilka hayay madaxweynaha qaranka Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi.

Waxaanay durba arkeen indhaha bulshada reer Somaliland Madaxweynaha Somaliland oo Itoobiya booqasho ku tegay isla markaana loo soo dhaweeyay sidii ugu meeqaamka sarraysay ee loo soo dhaweeyo madaxweyne ama Raysal-wasaare dalka Itoobiya booqasho ku tega.

Waxaana qaabilay weftiga Madaxweynaha Somaliland  madax aad u culus oo uu hoggaaminayay wasiirka dhanka soo dhawaynta madaxda dalalka dunida u qaabilsan Raysal wasaaraha Itoobiya Dr. Aby Axmed, kaas oo ah wasiirka Maaliyadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Axmed Shide.

Wasiir Axmed Shide oo ka hadlayay soo dhawaynta Madaxweynaha Somaliland iyo sida uu u qaabilay oo uu kaga dareen celiya qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga, ayaa yidhi. “Waxaan Maanta Magaalada Addis Ababa Ku soo Dhaweeyay Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo Booqasho ku yimid Magaalada Addis Ababa ee Xarunta Dalkeena Ethiopia. Waxaan Rejaynayaa si gaar  ah iyo si guudba Inaan waqti u wada qaadano aniga iyo walaalkay Muuse Biixi.” ayuu yidhi.

Dhinaca kale waa markii ugu horraysay ee wefti heer Madaxweyne ah oo ka socda Somaliland loo diyaariyo gaadiidka gaarka ah ee madaxtooyada Itoobiya ku qaaddo weftiyada heer qaran ah ee dalkeeda booqda.

Waxaa kale oo  muuqanaysay sida Itoobiya kor ugu qaadday meeqaamka Dublamaasiyadeed ee Somaliland iyo Itoobiya ka dib markii madaxweynaha qaranka Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wasiirka Maaliyadda Itoobiya ay wada kulmeen uu wasiir Shide Weftiga Madaxweyne Muuse soo dhaweeyay oo madaxweynaha qaranku fadhiistay kursi uu ka dambeeyo calanka qaranka Somaliland, halka wasiir Shide isna hoos fadhiyay calanka dalkiisa Itoobiya iyada oo labada masuul mid kasta uu ka dambeeyay calanka qaran ee dalkiisu.

Waxaa kale oo xusid mudan in Wasiirka Maaliyadda iyo iskaashiga Caalamiga ee dalka Itoobiya oo ah mas’uulka ku soo dhaweeya dalka Itoobiya dhammaan Madaxweynayaasha iyo Raysal Wasaarayaasha. Waddankiisa soo booqda, Tusaale ahaan Wasiirku waxa uu hore ugu soo dhaweeyey dalkiisa isaga oo ka Wakiil ah Raysal Wasaarihiisa Madaxweynayaasha dalalka Masar, Ruwanda, Nigeria, Kenya, Sudan, Uganda iyo kuwa kale oo badan.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply