“Shirkadda Al-Carabiya Tigidhadii Ay Nagaga Iibisay Basaboorka Somaliland Ayay Diidday In Aanu Ku Raacno” Agaasime Cabdilaagi

0
649

Hargeysa (Dawan):- Agaasimaha Maxadka horumarinta manaahiijta ee Wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland Cabdilaahi Yaasiin Diiriye, ayaa sheegay in ay wax sharciyadda ka baxsan oo aan meelna kaga jirin qaanuunka dalka iyo ka caalamiga ah ee socdaalka in ay kula kaceen madaxda shirkadda diyaaradaha ee Al-Carabiya masuuliyiinteeda u jooga Somaliland.

Waxaanu intaa ku daray in ay xafiiska shirkadda diyaaradaha ula tageen baasaboorka Somaliland oo laba qof ah, isla markaana wata fiiseyaashii dal ku galka ee dalka Turkiga ka dibna ay ka iibiyeen tigidhadii ay ugu safri lahaayeen dalka Turkiga, iyagoo socdaal (Taraansid) ku sii mayara magaalada Shaariga, ballanta socdaalka dhoofkooduna uu ahaa in ay maalinta Jimcaha ay afarta subaxnimo ku kallahaan madaarka oo ay sidaa ku dhoofaan.

Waxa kale oo uu aad ugu mahad naqay wasaaradaha waxbarashada iyo sayniska iyo arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah oo uu sheegay in ay dedaal aad u wayn u galeen sidii dhakhtar caafimaad oo dibedda ah loogu diri lahaa iyo qunsuliyadda Turkiga ee Hargeysa oo uu iyadana ku ammaanay in ay fiiseyaashii dal ku galka siisay oo ay u fiisaysay baasaboorka Somaliland.

Waxaanu wax laga xumaado ku tilmaamay in shirkad diyaaradeed oo ka hawl gasha Somaliland in ay diido in ay dadku ku raacaan baasaboorka Somaliland iyada oo waliba markii hore tigidhadii diyaaradda kaga iibisay baasaboorka Somaliland.

Agaasime Cabdillaahi oo waraysi gaar ah siiyay wargeyska Dawan, ayaa yidhi. “Muddooyinkii u dambeeyay waan xannuunsanayay oo dhakhtar ayaan ku jiray, wasaaraddayda waxbarashada iyo sayniska iyo wasaaradda arrimaha dibedduba waxay dedaal ballaadhan u galeen sidii aan u heli lahaa cisbitaal dibadeed oo aan caafimaad ugu boxo, taasina waxay sababtay in wasaaradaha waxbarashada iyo arrimaha dibeddu ay ka hawl galaan in safaarada Turkigu ku leeyahay Somaliland ee Hargeysa in ay fiise iiga raadiyaan, nasiib wanaag safaaraddaasi waxay na siisay laba fiise oo aanu ku tagno Turkiga aniga iyo xaaskaygu, iyadoo noogu fiisaysay baasaboorka Somaliland oo ay dal ku galkii noogu soo saartay laba baasaboor oo Somaliland ah oo aanu kala leenahay aniga iyo xaaskaygu, markii aanu fiiseyaashii aanu helnay waxaan tigidhadii diyaaradda aanu ku tegi lahayn Turkiga aan ka iibsaday shirkadda diyaaradda ee Al-carabiya oo noo sheegtay in aanu taraansid ahaan ku sii marayno Shaariqa, ballanta dhoofkayaguna waxay ahayd maalinta Jimcaha in aanu afarta subaxnimo tagno madaarka caalamiga ah ee Cigaal ee Hargeysa oo aanu subaxnidii saaka (shalay) aanu ka dhoofi lahayn.”

Agaasime Cabdilaahi oo hadalkiisa sii wata, ayaa intaa raaciyay in markii ay madaarka tageen in ay kala kulmeen arrin aanay filayn oo u cuntami wayday oo kaga yimi shirkaddii ka iibisay tigidhada diyaaradda ay ku raaci lahaayeen. Waxaanu yidhi “Markii aanu tagnay madaarka ayay shaqalihii diyaaradda u joogay madaarku waxay naga qaadeen baasabooradayadii markii ay arkeen in ay Somaliland yihiin ayay meel gaar ah na fadhiisiyeen waxaanay nagu yidhaahdeen waxaanu la hadlaynaa Shaariga in ay idin aqbasho in aad baasaboorka Somaliland ku tegi kartaan iyo in kale, ka dib waxaan u sheegnay in aanu ku socono Stanbul oo aanaan Shaariqa u socon, laakiin aanu taraansid ku nahay, laakiin siday noo meer meerinayeen ayay gaadhay xilligii ay diyaaraddu kacaysay, waxaanay ugu dambayn noo sheegeen in aanaan ku raacayn diyaaradda baasaboorka Somaliland oo ay diideen, sidaas ayaa diyaaraddii naga iibisay tigidhada aanu kaga soo goosanay baasaboorka qaranka oo fiisaysan oo fiiseyaashii dal ku galka ee Turkiga oo sharci ahna aanu u wadanay ay ku diideen.”

Waxaanu agaasime Cabdilaahi oo qiiraysani uu intaa raaciyay, “Haddii aanay ogolayn shirkaddu in baasaboorkeena lagu raaco, waa in aanay dalka ka shaqayn oo aanay macaash inoo soo doonan, iyadoo inna diidan.”

Waxaa uu intaa raaciyay in markii ay arrintaasi ku dhacday in uu masuulkii shirkadda Al-carabiya airline u joogay madaarka in uu ka qortay waraaq uu ku caddaynayo in uu isagu ka reebay diyaaradda, sababta uu uga reebayna ay ahayd oo keliya in ay siteen baasaboorka Somaliland oo ku fiisaysan fiisaha dal ku galka ee Turkiga. Waxaanu yidhi “Markii aanu diyaaradda sidaa kaga hadhay waxaan ka qoray masuulkii shirkadda AL-carabia airline u joogay madaarka in uu isagu iga reebay diyaaradda waxaanu ii qoray waraaq uu ku caddaynayo sababta uu diyaaradda noogu diiday in ay tahay baasaboorka Somaliland ee aanu sidano, haddaba waxaa loo baahan yahay in hay’adaheena ku shaqada leh ee ay wada shaqaynta leeyihiin shirkadaha noocaa ula dhaqmaya baasaboorkeena in ay tallaabo ka qaadaan oo aanay madaarkeena bahdilaad dambe kaga dhicin baasaboorkeena oo ka mid ah astaamaha qaran ee aynu leenahay.”

 

 

Saaxiibtinimada Somaliland iyo Itoobiya Waa Mid Aan Safaad Gelin!

Faallo: Cumar Maxamed Faarax

Socdaalka labada maalmood qaatay ee madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku tagay Itoobiya, wuxuu tumaati ku yahay Xukuumadda Muqdisho oo sannad iyo dheeraadkii la soo dhaafay isku maaweelin jirtay inay Somaliland ka soo owday albaabadii Itoobiya ee hore ugu furnaan jiray, kaasi oo muddo dheer kaar siyaasadeed ku hayey Soomaaliya.

Sidoo kale, waxa booqashada madaxweyne Muuse Biixi soo afjartay fadhi ku dirirka Somaliland oo ka deyrin jiray xidhiidhka Jamhuuriyadda Somaliland la leedahay Itoobiya, oo ay ku doodi jireen inuu gaabis galay muddadii xilka loo doortay Abiy Axmed oo ay qabeen inuu u janjeedhsaday dhinaca Soomaaliya, taasi oo aan ahayn mid xaqiiqo ku sallaysan. Booqashada Madaxweyne Biixi ku tagay Addisa Ababa, waxay ka dhalatay martiqaad rasmi ah oo Ra’iisul-wasaare Abiy Axmed uu fidiyey Madaxweynaha Somaliland oo uu ka dhexeeyo cilaaqaad soo jireen ah iyo xidhiidh saaxiibtinimo oo gaamuray, kaasi oo ku siman labada dawladood iyo labada shacab.

Ra’iisul-wasaare Abiy Axmed wuxuu Arbacadii toddobaadkii hore la kulmay Madaxweyne Muuse Cabdi iyo weftigiisa oo ay wadahadal dheer ku naaqisheen masaalixda labada dal.

Warbixinta Warbaahinta Fana ee dalka Itoobiya daabacday ayaa suuraynaysa iskaashiga jiridaystay ee Itoobiya iyo Somaliland, waxaanay tidhi “Waxay labada dhinac ee Somaliland iyo Itoobiya falanqeeyeen Qodobbo badan oo ay ka mid yihiin inay sii xoojiyaan xidhiidhkooda labada ummadood, iyo nolosha ay ku nool yihiin Itoobiyaanka degan Somaliland iyo sidii ay uga wada shaqeyn lahaayeen Arrimaha Nabadgelyada iyo Ammaanka.”

Waxa kale oo idaacadda Fana intaas ku daray “Waxay isla soo qaadeen qodobbo ku saabsan heshiisyadii ay wada galeen labada dhinac [Somaliland iyo Itoobiya] iyo cilaaqaadkooda mustaqbalka.”

Sidoo kale, waxay Faana werisay in labada Hoggaamiye ka wada hadleen ka faa’iidaysiga dekedaha iyo qoddobo ku wajahan xidhiidhka ganacsi ee Somaliland iyo Itoobiya.

Weftiga Madaxweynaha Somaliland oo Arbacadii Madaarka caalamiga ah ee Bole ku qaabilay Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide iyo Wasiirul-dawlaha Arrimaha dibadda dalkaas Hirut Zemene, iyadoo aad loo muuneeyey hab-maamuuskii lagu soo dhaweeyey.

Geesta kalena, waxa Khamiistii Madaxweyne Biiixi iyo weftigiisa hadhimo sharafeed ku qaabilay Wasiirrada Arrimaha dibadda iyo Maaliyadda Itoobiya, Dr. Workneh Gebeyehu iyo Mudane Axmed Shide oo ka mid ah foolaadka Golaha Wasiirrada Itoobiya.

Dawladda hadhkeed la ciyaarka ah ee Farmaajo oo marin habaabinta bulshadeeda ka dhigatay siyaasad ay ku tamariso, ayaa fadeexadda siyaasadeed ee kala kulantay booqashada rasmiga ah ee Madaxweynaha Somaliland ku tagay Addis-ababa, waxay kaga falcelisay inay isku maaweeliso war sheegaya in madaxweynaha Somaliland ogolaaday inuu la shaqeeyo dawladda Muqdisho, taasoo aan ka mid ahayn qodobbadii Somaliland iyo Itoobiya ka wadahadleen.

Dawladda Somaliland ayaa Xukuumadda Itoobiya uga mahadcelisay sida saaxiibtinimada leh ee ay u qaabileen madaxweyne Biixi iyo Weftigiisa. “Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay soo dhaweynaysaa, lana qabtaa Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya Dr. Abiy Axmed in Geeska Afrika noqdo meel nabad ah. Dalalka Geeska Afrikana iyadoo mid walba la qadarinayo jiritaankooda dhuleed iyo madax-bannaanidooda qarannimo, in ay iska kaashadaan dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo horumarka mandaqadda,” ayuu lagu yidhi War-murtiyeed uu soo saaray Afhayeenka madaxweynaha Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac, waxaanu intaas ku ladhay; “Shirkii weftiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu la yeeshay Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia, waxa la isku af-gartay in arrimaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya lagu xalliyo wada-hadal iyo fagaare caalami ah, lagana fogaado wax kasta oo keeni kara colaado cusub iyo xasarado hor-leh oo ka curta Gobolka Geeska Afrika.”

Asbaabaha Xoojinaya Iskaashiga Somaliland iyo Itoobiya:

Inkasta oo dawladda aan iskeed isku maamuli karin ee Soomaaliya ay juhdi badan gelisay inay curyaamiso xidhiidhka Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda Federaalka Itoobiya, waxay Somaliland ay diblomaasiyan dhicisaysay xiqdigii Soomaaliya, iyadoo Itoobiya ku baraarugtay inay iimaansato xidhiidhka diblomaasiyasadeed iyo ganacsi ee ka dhexeeya Somaliland oo ay u aragtay mid aan mugdi iyo madmadow la gelin karin.

Dawladda Itoobiya oo ah dal aan bad laheyn, waxaa saami dhan 19% laga siiyey heshiiska maalgashi ee lagu casriyeynayo marsadda Berbera, oo ay si saddex geesood ah u wadagaleen Xukuummadda JSL, Itoobiya iyo Shirkadda DP World, waxaanay arrintaasi ahayd qoddob weyn oo Madaxweyne Biixi iyo Ra’iisul-wasaare Abiy isla jeex-jeexeen intii uu socday kulankoodii.

Sidoo kalena, Xukuumadda Ra’iisul-wasaare Abiy Axmed waxay Somaliland u soo dirtay Shamsudiin Axmed Rooble oo ah danjire waayo-aragga ah oo magacaabistiisu ka turjumayso in Itoobiya daneynayso masaalixda aan xadka lahayn ee ka dhexeeya Somaliland.

Ugu dambeyn, Dawladda Somaliland waa gaashaan adag oo Itoobiya kaga deyran kooxaha argagixisada ee Soomaaliya ku beermay, taasi Itoobiya aanay ku safaadeynin. Sidaas darteed, waxa booqashada Madaxweyne Biixi ay dhirbaaxo siyaasadeed ku tahay Farmaajo iyo Maamulkiisa oo shacbigiisu quus ka joogo tamar darrada dawladiisa oo gaadhay in aanay xataa ka wada talin magaalada Muqdisho badhkeed labadii sannadood ee uu fadhiyey hoggaanka Soomaaliya oo ay ku ilaaliyaan ciidammada AMISOM.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply