Imaaraadka oo Shaaciyey Inay Maalgashiga ugu Badan ee Afrika ka Fulinayaan Somaliland

0
556

Hargeysa (Dawan)- Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in Jamhuuriyadda Somaliland ay hoggaaminayso dalalka Afrika ee ay siiyaan maalgashiga tooska ah.

Warsidaha East African Business Week, ayaa daabacday Warbixin ka soo baxday Xafiiska Maalgashiga Dibadda ee Tooska (FDI) ee Imaaraadka ayaa shaaciyey in Somaliland hormuud ka tahay dalalka ay maalgashanayaan, waxaana kaalinta labaad ku jira dalka Masar.

Dawladda Imaaraadku Waxay caddeysay inay Somaliland wax kala qabanayaan dhinaca casriyeynta dekedda Berbera oo ay gelinayaan dhaqaale lagu qadaray 442 Milyan oo Doolar. Isla markaana ay saldhig Millatari ka furanayaan magaalo xeebeedda Berbera bisha June ee sannadkan.

Sidoo kale waxa Xafiiska maalshiga FDI ee dalka Imaaraadku sheegay inay doonayaan inay noqoto dekedda Berbera marin biyoodka ugu muhiimsan ee Geeska Afrika.

Mashaariicda ay maalgashanayso Imaaraadk Carabtu waxay iskugu jiraan horumarinta dekedaha, Gaadiidka, macdanta, cusboonaysiinta tamarta, deegaanka iyo horumarinta adeegyada maaliyadda.

Siday faafisay Wakaalladda Wararka Somaliland (SOLNA) oo soo xigatay warbixinta East African Business Week, oo ku warrantay in danjiraha Somaliland u fadhiya Kenya Md. Baashe Cawil Cumar oo hore u ahaan jiray Wakiilka Somaliland ee Imaaraadku uu kaalin weyn ka qaatay suurtogelinta iskaashiga iyo maalgashiga Imaaraadka Carabtu ka fulinayo Somaliland.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply