Wasaaradda Gaadiidka oo Shaacisay Tiradda Gawaadhiga Qaatay Sumadda Cusub ee Baabuurta

0
526

Hargeysa (Dawan): Wasiirka wasaaradda gaadiidka Cabdillaahi Cismaan Abokor, ayaa shaaca ka qaaday tirada gaadiidka loo bedelay sumadda gaadiidka dadweynahaee qaatay.

Wasiirku waxa uu sheegay in gaadiidka ay ilaa hadda diiwaangeliyeen ay yihiin boqol kun oo gaadhi, hase ahaate inta taarikadda loo bedelay ay dhan yihiin labaatan kun oo gaadhi.waxaanu tilmaamay in ay sameeyeen mushiin akhriya xogta ku duugan kaadhka uu wato wadaha gaadhigu, kaasi oo caddeynaya in uu isagu leeyahay iyo in kale.

“Hawshan bedelista balaydhadda gaadiidka waxaanu bilaabnay 11/9/2018-ka. Qorshuhu na waxa uu ahaa in mudo lix bilooda gaadiidka Somaliland loogu bedelo bileydh lanbaradda, kuwo cusub na lagu dhaqangeliyo.

Si wanaagsan ayay u socotaa shaqadaasi. Si wanaagsan ayaanay u qaadanayaan lixda gobol ee Somaliland ba, haku kala badnaadaane imika meel fiican ayay maraysaa. Laakiin, waxaad mooda in aanan weli qorshahayagii gaadhin, maalintii lixda bilood waxay ku eeg tahay 10/3/2019 bulshadda reer Somaliland na sidaasi hawla socdaan”ayuu yidhi wasiir C/laahi Abokor, oo shalay la hadlay TV-yada Hargaysa.

Dhan kale wasiir Cabdillaahi, waxa uu shaaciyay gaadiidka sida rasmiga ah u qaatay taarikadda cusub, waxaanu yidhi “Gaadiid tiradoodu dhan tahay ilaa 20-kun oo gaadhi ayaa loo bedelay bilaydh lanbaradii. Waagii hore may jirin nidaam gaadhigu dalka ku soo galo iyo mid uu kaga bax, o hase ahaate imika waxaa fududaanaysa in la ogaado gaadhi kasta wakhtiga uu soo galay iyo wakhtiga uu ka baxay iyo sababaha uu uga baxay ba.

Sidoo kale xeer waxa jira nagu waajibinaya in shantii sanaba hal mar la diiwaangeliyo gaadiidka dawladda. Markaa hadda si wanaagsan ayay wax u socdaan.

Waxaanu rejeynaynaa in aanu hadafkayaga gaadhi doono. Sababtoo ah waxa noo diiwaangashan boqol kun oo gaadhi, diiwaangelintani waxaanu uga gol-leenahay in la ogaado tiradda rasmiga ah ee wadanka jooga”.

Ugu danbeyn wasiirka gaadiidka iyo horumarinta jidadka Cabdillaahi Cismaan Abokor, waxa kaloo uu tilmaamay inay wadaan qorshaha daahfurka mishiin akhriyi doona kaadhka uu sito wadaha baabuurku.

“Dhawaan waxaanu bilaabi doonaa hanaan lagu baadhi doono sanadkiiba hal mar, gaadiidka dalka gudihiisa ama mid qof leeyahay oo gaara ha noqoto ama mid hay’addeed ha noqotee. Waxaanu dhawaan u gudbin doona guddida qandaraasyadda qaranka.

Gaadhiga aan baadhitaan soo marin-na in aan laba cashuuri doonin”ayuu yidhi wasiir Abokor.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply