Wasiir Hinda oo Guddi u Saartay Carruur Xidhan Una Dirtay Kaalmo

0
703

Hargaysa (Dawan):-Wasiirka Wasaarada Shaqo galinta iyo Arimaha Bulshada Somaliland Hinda Jaamac Xirsi Gaani, ayaa guddi xaaladdooda nololeed soo daraasaysa u saartay carruur derbi jiif ahaa oo dhawaan la xidhay, kuna jira xabsiga weyn ee Madheera, waxa kale oo ay carruurta u dirtay kaalmo isugu jirta dhar, busteyaa,l cuntooyin kala duwan iyo saabuuno iyo waliba kubado ay ku ciyaaraan muddada ay xidhan yihiin.

Waxa kale oo ay wasiir Hinda sheegtay in ay si dhaw u soo qiimaynayaan guddidu xaaladda dhabta ah ee ay carruurtaasi ku sugan yihiin iyo baahiyaha nololeed ee ay qabaan inta ay xidhan yihiin iyo in ay xabsiga ku helaan waxbarasho, waxaanay tidhi wasiir Hinda oo arrimahaa ka hadlaysaa. “Waxaan u magacaabay guddi ka kooban shan xubnood oo u kuur gali doona dhallinyarada ku jirta xabsiga Mandheera, haday yihiin kuwii xukunka lixda bilood ahi uu ku dhacay iyo hadday jiraan kuwo ka horreeyay oo ku jira xabsiga, waxaana gudidaasi u kuur galayaan xaaladda ay ku suganyuihiin dhallinyaradaasi in ay wax barasho ku haystaan ama hanoqoto mid diiniya ama ha noqoto mid xirfadeed oo ay helaan e iyo waxa ay u baahanyihin in xabsiga loogu geeyo.”.

Wasiirka oo ka hadlaysay kaalmada ay gaadhsiisay carruurta ee ay u dirtay ayaa tidhi. “Labaatan kartoon oo timira, labaatan kartoon oo buskut ah, labaatan kartoon oo caano ah, sharaabbo, saamuun jidh, lix kiish oo taydh ah, labo darsin oo garamaana iyo kubado, waxaana loogu wada talo galay in ay isticmaalaan dhalinyarada xabsiga ku jirta.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply