Madaxweynaha oo Qudbad Dhinacyo Badan Taabanaysa ka Jeediyay Boorama

0
955

Hargeysa (Dawan):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal oo ay booqasho shaqo ugu baxeen.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo weftiga uu hoggaaminayo, ayaa shacabka magaalada Boorame aanay u kala hadhin soo dhawayntiisa, soo dhawayntaasi oo ay hormood u ahaayeen salaadiinta, cuqaasha, waxgaradka, waayeelka, haweenka iyo maamulka gobolku, waxaanay kaga hor yimaadeen dhinaca Bari ee magaalada, waxaana ay u galbiyeen xarunta khayriyada magaalada.

Maayarka Boorama, Mudane Saleebaan Xasan Xaddi, guddoomiyaha gobolka Awdal, Mudane Cabdiraxmaan Axmed Cali, wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Xildhibaan Axmed Yaaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo la hadlay shacabka isugu soo baxay soo dhaweynta madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa bulshada ku dhaqan guud ahaan gobolka Awdal si isku mid ah ugu mahadnaqay, waxana ay ku bogaadiyeen inay ilaashadaan isku duubnidooda, horumarka gobolkana ka shaqeeyaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ballaadhan oo uu dhinacyo badabn kaga hadlay u jeediyay dadweynaha ku dhaqan magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, ayaa ka war bixiyay booqashadii uu ku tegay dalka Itoobiya iyo kulankii ay wada yeesheen Raysal wasaaraha Itoobiya, waxaanu meesha ka saaray in Somaliland loo yeedhin karo wax ka baxsan qarannimadeeda, isla markaana aanay cidna ka aqbalayn in ay arrimaha masiiriga qaran ee dalku leeyahay in ay ku soo xad gudubto, ama talo waxyeelaynaysa ay u soo jeedin karto.

Waxaa kale oo uu intaa ku daray in Somaliland iyo Soomaaliya in ay wada hadlaan ay Somaliland diyaar u tahay oo ay garnaqsanayso, wax mugdi kaga jiraana aanay jirin, laakiin dhanka Soomaaliya ayuu caddeeyay in aanay wada hadal diyaar u ahayn oo aanay doonayn in wanaag iyo walaalnimo in lagu kala boxo.

Madaxweynaha oo arrimhaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Laba qodob ayaan ka wada hadalnay Raysal wasaaraha Itoobiya, mid wuxuu ahaa in xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya ee soo jireenka ahaa in uu sidiisii iyo si ka wanaagsan ahaado oo aanu sii wada xoojino oo ay ka mid tahay iskaashiga labada dawladood, sida ganacsiga iyo waddada Berbera iyo Wajaale oo khamiista la dhagax dhigayo, waanan isla qaadanay.”

Waxaa kale oo uu madaxweynaha Somaliland ka hadlay sida Somaliland dadkeedu ay u yihiin kuwii u kacay in colaaddii guunka ahayd ee ka jirtay geeska Afrika gaar ahaan Soomaalida iyo Itoobiya in ay nabad ku soo dabbaalaan, arrintaas oo uu Raysal-wasaare Abiy kala hadlayna waxaa uu yidhi Madaxweyne Muuse. “Waxaaan u sheegnay in annag oo da’diisa ka yar in aanu u kacnay oo aanu u guntanay in aanu baabiino colaad guun ahayd oo illaa shan kun oo sanno soo taxnayd oo dhex taallay Soomaalida iyo Itoobiya oo qoloba markay qolada kale ay aragto ay argagaxdo in aanu ahayn dadkii nafooda u huray ee waliba iyaga (Itoobiya) u tegay ee ka codsaday in colaaddaas la baabiiyo oo nabad waarta lagu bedelo, waana ta ay Somaliland ku dhisan tahay ee ay ku soo gaadhay halka ay marayso, iyada oo aan dawladaha caalamku aanay na caawin, baanka adduunkuna aanu kaalmo na siinin, UNISOM-na aan naloo soo dirin, la-taliyeyaal buugaag waawayn watana aanay noo iman, ayaanu isku tashanay oo aanu dhisanay qarankayaga oo aanu dhabarka u ridanay in aanu isku tashano oo hadday abaaro tahay iyo hadday dhibaato tahayba aanu annagu u kacnay oo aanu halka ay maanta Somaliland marayso iyada oo aanay caalamkuna aqoonsanayn ayay duruufahaas oo dhan ay ka soo dabbaalatay oo ay ku noqotay qaran dhisan.”

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata, ayaa intaa raaciyay talo wanaagsan oo uu siiyay Raysal-wasaaraha Itoobiya oo la xidhiidha nabadaynta iyo iskaashiga geeska Afrika iyo guud ahaan qaarada ee uu Raysal-wasaare Abiy Axmed ku hammiyayo, waxaanu yidhi Madaxweynaha qaranku. “Waxaannu u sheegnay in nabadda iyo iskaashiga iyo wanaagga uu ka doonayo geeska Afrika in Somaliland ay tusaale u tahay oo lagaga dayan karo jidka ay u martay nabadaynteeda iyo nabad kula noolaanshaha derisyadeedaba.”

Waxaa kale oo uu madaxweynuhu ka hadlay qodobka wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya waxay iska yidhaahdeen Raysal wasaaraha Itoobiya, waxaanu yidhi “Qodobbada aannu ka wada-hadalnay waxa ka mid ahaa sidii loo heshiisiin lahaa Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanan u soo jeediyey in arrintaas lagu dhammeeyo wada-hadal oo Afrika gasho iyo caalamkuba, waxaanan ku nidhi tobankii sanno ee ugu dambeeyey annaguun baa aynnu wada-hadalno walaalayaal la daba soconnaye hadday wada-hadal oggol yihiin saacad walba gartayadu way noo duuban tahay waxa naga maqan iyo waxa aanu tabanaynnana waannu ognahay, cidina nala soo talin maysa oo naloogu yeedhi maayo cid dantayada nooga xog-ogaalsan, haddii aannu Somaliland nahayna Soomaaliya lamid ma nihin.”

Waxaanu hadalkiisa ku soo gunaanaday madaxweynaha qaranku shirka golaha dhexe ee maanta ka furmaya magaalada Boorama iyo arrimaha lagaga wada hadlayo oo uu sheegay in lagula xsaabtamayo Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa, waxaanu yidhi. “Shirkani waa mid lagula xisaabtamayo madaxweynaha iyo xukuumaddiisa, xisbiyo ayaad doorateen, markii xisbiyada la doortayna aniga WADDANI wuu i doortay oo UCID baa i doortay, siday ii doorteenna waa markii codkii la riday KULMIYE ayaa u badsaday, labadii xisbi ee kale haddii aanay oggolaanin oo codkii igu soo wareejin oo aanay odhanin madaxweynow dalka dhex baad u tahee wad, maynu soconneen oo sida Koonfurta ayeynnu is layn lahayn, markaa xisbigii KULMIYE oo masuuliyaddaas sida oo qaranka oo dhan u hadlaya, ayaa ila xisaabtamaya, shanta boqol ee dhaw dhaw ee shirka imanayaana waxa ay ka imanayaan gobollada iyo degmooyinka Somaliland oo dhan.”

Intii uu socdaalka shaqo ee gobolka Awdal uu ku guda jiray madaxweynaha qaranka iyo weftiga uu hoggaaminayaa waxaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyay dhammaan deegaanada u dhexeeya gobolada Gabilay iyo Awdal, madaxweynuhu markii uu soo gaadhay degmada Dila ee gobolka Awdal, ayay halkaa ku soo dhaweeyeen dadweynaha degmada Dila iyo madaxdhaqameedka iyo haldoorka degmada Dila, waxaanay maamul iyo madax-dhaqameedba iyagoo isku duuban, madaxweynaha iyo weftigiisa u galbiyeen madal loo asteeyey in shacabka lagala hadlo, waxana halkaas hadallo kooban ka jeediyey Salaadiinta ugu miisaanka culus gobolka Awdal oo ay kamid yihiin, Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil, Suldaan Xasan Xaddi Baade iyo xubno kale, iyada oo maamulka heer gobol iyo heer degmo-na madasha ka jeediyeen hadallo loogaga mahadnaqayo shacabku sida wanaagsan ee ay usoo dhaweeyeen madaweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si ballaadhan ugu mahadnaqay bulshada ku dhaqan degmada Dilla ee sida hagar la’aanta ah usoo dhaweeyey isaga iyo weftiga uu hoggaaminayo, waxana uu tilmaamay in bulshada reer Dilla caan ku tahay soo dhaweynta iyo marti-soorkaba.

Dhinaca kale waxaa uu madaxweynaha Somaliland kormeer shaqo ku soo maray mashaariic dawladdu ka waddo magaalada Boorama, oo ay xukumaddu gacanta ku hayso hirgelinta iyo fulintooda.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply