Shirkii Golaha Dhexe ee KULMIYE oo Lagu Doortay Hoggaan Cusub

0
1173

Hargaysa (Dawan):- Shirkii lixaad ee Golaha dhexe ee xisbi xaakimka Somaliland ee KULMIYE oo ka socday laba maalmood magaalda Boorama ee xarunta gobolka Awdal, ayaa shalay lagu doortay guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeenka golaha dhexe ee Xisbigaas.

Waxaana guddoomiye loo doortay Maxamuud Jaamac Warfaa oo ku simaha guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga sii ahaa, tan iyo markii xisbiga laga saaray guddoomiyihii hore ee golaha dhexe Jaamac Shabeel, isla markaana ah xildhibaan ka tirsan golaha wakiiladda Somaliland, waxaana guddoomiye ku xigeen loo doortay Cali Maxamed Cali (Cali Caliyaw)

Guddoomooiyaha iyo ku xigeenka golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE loo doortay ayaa uga mahad celiyay xubnaha golaha dhexe siday u doorteen, waxaanay ballan qaadeen in ay golaha dhexe ee xisbiga ku hoggaamin doonaan barnaamijka iyo xeerka Xisbiga.

Guddoomiye Warfaa oo ka dareen celiyay doorashadii ka dib, ayaa yidhi “Waxaan u mahadnaqayaa xubnihii golaha dhxe ee xisbiga ee ii doortay in aan noqdo Guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye, waxaanan ballanqaadayaa in xilkaa la i saaray in aan sidii uu ahaa u guto, waanad ku mahadsantihiin xilkaa aad ii doorateen.”

Sidoo kale Guddoomiye ku xigeenka Golaha dhexe Cali Maxamed Cali (Cali Caliyow) ayaa isaguna sheegay in uu ku faraxsanyahay in xubnaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ay doortaan. Waxaanu yidhi “Masuuliyad wayn ayaad noo dhiibteen waxaanan ku faraxsanahay masuuliyadaa aad noo dhiibteen, waxaannu awoodda saari doonaa in aanu si cadaalad ah oo xaq ah ugu shaqayno golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply