“Raga Arrintan Wadaa waa Kuwii Xamar Ku Yaacayay ee aanu Lahayn ka Jooga” Xeer Illaaliye ku xigeenka Qaranka

0
552

Hargaysa (Dawan):- Xeer Illaaliye ku xigeenka guud ee qaranka Somaliland Axmed Cismaan Mire, ayaa jawaab adag ka bixiyay hadalo ka soo yeedhay xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI oo ku eedeeyay xeer iilaaliye ku xigeenku in uu ka mid yahay golaha dhexe ee Xisbi xaakimka Somaliland ee KULMIYE.

Waxaanu sheegay xeer illaaliye ku xigeenku in shirkii golaha dhexe ee KULMIYE oo laba maalmood xisbiga uga socday xarunta gobolka Awdal ee Boorama in lagu soo marti qaaday isla markaana uu ka qayb galay maalintii koobaad ee furitaanka shirkaas oo uu kala sinnaa marti sharaftii lagu soo casuumay.

Waxaanu intaa raaciyay ragga eedaynaya ee arrintaa wad wada ee ku eedaynaya in uu ka mid yahay golaha dhexe ee KULMIYE in ay yihiin rag uu sheegay in ay Xamar ku yaacayeen oo xeer illaalintu ay lahayd ka jooga, qaarna ay ku xidheen oo ku jira sida uu sheegay Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.

Xeer illaaliye ku xigeenka oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi “Maalintii koowaad ee furitaanka shirka golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ayaa la igu marti qaaday oo la ii keenay kaadhka marti sharafta ummadda oo dhamina way joogtay, maalintii labaad ee golaha dhexe xisbiga Kulmiye fadhiyay may ahayn, waana xisbi qaran oo aanu muwaadiniintiisa ka mid nahay oday 50 sanno ka soo shaqaynayay qaynuunka ayaan ahay, hana keenaan caddaynteeda meesha aan kaga mid ahay golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye.

Waxanu intaa raaciyay isaga oo hadalkiisa sii wata “Ragga arrintan wadaa waa qaar muraad leh, waana kuwii Xamar ku yaacayay ee aanu la hayn ka jooga ee aanu qaar xidhnay oo xisbiga Waddani ka mid ah ee Barkhad Batuun ka mid yahay, Xeer ilaalintu dhinacna garsoorka ayaanu ka nahay dhinacna Xukuumadda ayaanu ka nahay, ma ihi Nin ciyaal yaryari ku khuukhin karaan oo been sheegaya xafladii xisbiga hadaan ka qayb galo ma dayrkii Makaan gubay.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply