Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa oo Faafhaafin Ka Bixiyey Mashruucan Ay Maalgelinayso Dowladda Jarmalku

0
1151

Hargeysa (Dawan)- Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa dhagax-dhigay mashruuca lagu dhisayo dhuumaha biyaha loogu qaybinayo degmooyinka iyo xaafadaha Caasimadda Hargeysa.

Mashruucan oo ay qandaaraskiisa ku guulaysatay shirkad laga leeyahay dalka Jarmalka oo la yidhaahdo Ludwig Pfeiffer, ayaa si rasmi ah wejigiisa labaad loo dhagax-dhigay Isniintii dorraad, iyadoo uu mashruucani khuseeyo dhismaha dhuumaha biyaha qaybiya, (berkado), kuwaasi loogu talogalay in biyaha loogu qaybiyey bulshada degmooyinka Caasimadda Hargeysa, halka sidoo kale ay wehelinayaan mashaariic khuseeya nadaafadda aasaasiga ah ee biyaha la cabbayo (Construction of Hargeisa Water Supply and Basic Sanitation Projects).

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Maxamed Cali Daarood oo halkaas hadal ka jeediyey, ayaa faahfaahin ka bixiyey mashruuca wejigiisa labaad la dhagax-dhigayy, isaga oo xusay in muddo dheer dedaal loogu jiray sidii biyaha lagu wada gaadhsiin lahaa bulshada Caasimadda Hargeysa.

“Mashruucani waxa uu dhisi doonaa illaa 150 km oo ah beebka nooca biyaha lagu kala qaybiyo (distribution pipeline construction) oo laga dhisayo xaafadaha dhexdooda, waxa kale oo ku jira dhismaha beeb illaa dhawr iyo toban killomitir ah oo beebkii biyaha u kala qaadayey berkedaha degmooyinka Hargeysa oo waxa mashruucan ku jira dhismaha afar kayd oo waaweyn oo biyaha ah, waxa kaloo ku jira xaruntii shaybaadhka (Laboratory) lagu eegi lahaa biyaha tayadooda iyo halkii lagu dawayn lahaa marka dawada lagu darayo, waxa kaloo ku jira dhismaha laabkii lagula socon lahaa xaaladaha biyaha oo dhan,” ayuu yidhi Maareeyuhu.

Waxaannu intaas ku daray; “Waxa aynu ognahay in Hargeysa tahay meel buurolay ah oo dhagax ah oo aynu garanayno in dadkeenuna ay si aad ah u jecel yihiin dhulka oo ay waddooyinkii dhex degayaan, duruufaheenuna ay badan yihiin, waxa aynu mashruucaas ku dhammaystiri karnaa oo qudha haddii ay dhammaanba hay’adaha dowliga ah ee kala duwan yeehsaan iskaashi buuxa oo aan la odhan hawshan waxa iska leh Wakaaladda Biyaha oo qudha ama dowladda hoose ayaa wadata ama cid kale oo gaar ah ayaa wadata, balse aynu dhammaanteenba ka wada hawlgalno, sidaas ayuun bayna ku fulaysaa, haddii kale suurtogal maaha in hawshani ay fusho oo aniga oo ah Maareeyaha Wakaaladda Biyaha ayaa sidaas leh, waxaanna loo baahan yahay iskaashi iyo wada-shaqayn buuxda oo ninkastaaba uu muujiyo lahaanshiyo in hawshan uu xil ka saaran yahay.”

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo isna goobta hadal ka jeediyey, ayaa sheegay in mashruucan uu faa’iido weyn u leeyahay dedaalka loogu jiro biyo-ballaadhinta Caasimadda Hargeysa, isagoo u mahadnaqay Dowladda Jarmalka oo uu xusay inay taageerayso mashruucan lagu dhisayo dhuumaha biyaha Hargeysa.

“Waxa aannu si aad ah ugu mahadnaqaynaa dowladda Jarmalka oo marka la isku wada geeyo illaa in ka badan lacag dhan afartan milyan oo lacagta Yurub ah (40,000,000 Euro) ay innagu caawiyeen, markaa waxa aynu halkan isugu nimid in aynu ilaashano waxaas la inoo keenay iyo in aynu garab joogsano sidii loo hirgelin lahaaba oo waynu wada garanaynaa dhibka ay biyuhu innagu hayaan, runtiina muddo dheer ayey innagu soo jiitameen, dedaal badanna waynu gelinay, waqti dheerna way soo qaadatay, waxase keenay culayska meesha yaal, balse waxa ay hadda ku dhawdahay inay ku soo dhawaato gabagabo,” ayuu yidhi Madaxweyne-ku-xigeenku.

Waxa kale oo uu hadalkiisa intaas raaciyey; “Haddii aynaan mashruucaas hadda bilaabmaya ee magaalada Hargeysa gudaheeda ah barbar joogsan oo aynaan ka wada shaqayn biyo-ballaadhintaas la samaynayo ninna heli maayo biyo.”

Wasiirka Horumarinta Biyaha Md. Saleebaan Cali Koore, Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi iyo masuuliyiin kale, ayaa goobtaasi hadal ka jeediyay, waxayna qaybaha kala duwan ee bulshada ugu baaqeen in laga wada shaqeeyo sidii loo hirgelin lahaa, loogana midho-dhalin lahaa dhismaha dhuumaha biyaha loogu qaybinayo degmooyinka iyo xaafadaha Hargeysa, iyagoo Dowladda Jarmalka uga mahadceliyey dhaqaalaha ku baxaya mashruucan oo ay tilmaameen inuu muhiim u yahay caasimadda Hargeysa.

Waxa kaloo xafladaas hadallo ka jeediyey xubno ka mid ah madax-dhaqameedka Somaliland, xildhibaanno, odayaal iyo siyaasiyiin kala duwan, kuwaas oo si isku mid ah u iftiimiyey faa’iidooyinka ku jira in si wada-jir ah looga wada shaqeeyo hirgelinta mashruuca lagu dhisayo dhuumaha biyaha lagu gaadhsiinayo degmooyinka iyo xaafadaha kala duwan ee Caasimadda Hargeysa.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply