Dawladda Hoose ee Berbera oo soo Bandhigtay Gaadiid Casri ah oo ay Iibsatay

0
802

Burco (Dawan)- Dawladda Hoose ee magaalada Berbera ayaa soo bandhigtay gaadiid casri ah oo ay soo iibsatay, kuwaasi oo ka shaqayn doona bilicda iyo nadaafadda magaaladaasi, ayaa ka mid ahaa qorshaha sannadkan cusub ee dawladda hoose.

Dawladda Hoose ee magaalada Berbera, ayaa soo iibsatay afar gaadhi oo midi yahay gaadh wiish ah oo loogu talo galay in uu qaado haamaha qashinka lagu qubo ee magaalada gudaheeda iyo saddex gaadhi oo kale oo iyaguna loogu talo galay in ay xashiishka ka ururiyaan magaalada, kuwaasi oo ka mid ahaa qorshaha sannadkan cusub ee dawladda hoose.

Maayarka magaalada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan Ciddin, ayaa hadal ka jeediyay madashii lagu soo bandhigayay gaadiidkaasi, waxaanu farriin u diray dadweynaha magaalada Berbera, waxaanu yidhi “Dadweynaha magaalada Berbera aad iyo aad ayaan ugu mahad naqayaa sida qiimaha badan ee ay noola shaqeeyeen, waxaan leeyahay maantana waxaan idinka codsanayaa in aad gacan naga siisaan ururinta xashiishka iyo nadaafadda magaalada, maadaama oo aanu keenay gaadiidkii idinka qaadayay xashiishka.”

Xoghayaha dawladda hoose ee magaalada Cabdikariin Aadan Siciid, ayaa isaguna halkaasi ka hadlay waxaanu ydihi “Maanta waxaa noo sharaf ah in aanu daahfurno qayb kale oo ka mid ah kor u qaadista bilicda magaalada, waxaana qoshaha sannadkan ugu jiray afar gaadhi, kuwaasi oo aanu soo iibinay isla markaana aanu baanta soo bandhignay, afartan gaadhi waa gaadiid cusub oo ku soo biirtay qaybta bilicda, ujeedaduna waxa weeye kor u qaadida mashruuca Berbera cagaaran oo nadiif ah.

Afartan gaadhi waa baabuur cusub oo ku soo biiray qaybta bilicda magaalada, waana afar gaadhi oo cusub, dadweynaha reer Berberana waxaan ka codsanayaa in ay noola shaqeeyaan sidii ay noola shaqayn jireen.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply