Madaxweyne Ku xigeenka oo Daahfuray Mashruuca Horumarinta Cilmiga

0
683

Hargeysa (Dawan):- Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Sayici) ayaa daahfuray barnaamijka horumrinta cilmiga wajigiisii saddexaad oo ka furmay magaaladda Hargaysa.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay in la tayeeyo, korna loo qaado waxbarashadda Somaliland, waxaanu kula dar-daarmay wasaaradda waxbarashadda iyo Saynisku inay laban-laabto dedaaladda lagu doonayo in tacliinta la gaadhsiiso guri kasta.

Waxaa kale oo uu ka hadlay madaxweyne ku xigeenku inuu barnaamijkani qiimo weyn ugu fadhiyo qarankan curdinka ah.

Mashruucan oo ay ku baxeyso sideed milyan oo dollar waxaa fulineysa wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland.

Waxaana munaasibadii lagu daahfurayay barnaamijkan horumarinta cilmiga ka soo qayb galay wasiirada wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Cismaan Jaamac Aadan. wasaaradda horumarinta maaliyadda mudane Sacad Cali Shire, wasiirka wasaaradda shaqadda iyo arrimaha bulshada, masuuliyiinta hay’addaha qaranka kala shaqeeya barnaamijkan iyo marti sharaf kale.

Agaasimaha wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Axmed Abokor Maxamed ayaa ugu horeyn faahfaahin ka bixiyay barnaamijkani waxaanu yidhi “Dhab ahaantii mashruucan horumarinta cilmiga wajigiisi koobaad inuu hore u bilaabmay sanadkii 2012 wajigiisi saddexaadna in maanta(shalay) halkan lagu daahfurayo, mashruucani waxaa uu kaga duwan yahay mashaariicda kale waxaa uu ka hawlgalaya dhammaan degmooyinka dalkan Jamhuuriyadda Somaliland waxaanu ku shaqeeya nidaamka la yidhaaho Secter Wide Aprouch, oo ay wasaaraddu hoggaanka heyso, hay’adduhu waxaa ay nagula shaqeeyaan qorshayaasheena qorshaha innagu aynu dejisanay innaga ayaana hoggaamina waxaanu aad iyo aad ugu mahad naqeyna Midawga Yurub”

Waxaa isna dhankiisa goobtaasi ka hadlay wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Cismaan Jaamac Aadan waxaanu farta ku fiiqay qadarka lacagta ku baxeysa mashruucaaas waxaanu yidhi “Wajiga saddexaad ee mashruucan waxaa ku baxeysa lacag dhan 8-milyan oo dollar, waxaana lagu qabtaa hawlo fara badan, sida dhismaha dugsiyadda hoose dhexe iyo kuwa sare, intaasina waxaa dheer waxyaabo kale oo faa’iido bulshadda u leh fidinta tacliinta ama horumarinta aqoonta waxbarasho ee waddanka, loona baahan yahay in aynu ka faa’ideysano miyi iyo magaalaba mashruucani wuu ka shaqeeyaa dalka oo dhan, Mashruucan oo ah wajigii saddexaad oo maanta(shalay) madaxweyne ku xigeenka qaranka Somaliland uu inoo daahfuray waana markii saddexaad ee laga daahfuro wadanka”

Ugu danbeyn madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici oo si toos ah u daahfuray barnaamijkaas ayaa ka hadlay kaalinta uu qaranka ugu jiro waxaanu yidhi “Waxaa maanta(shalay) sharaf weyn ii ah in aan ka soo qayb galo munaasibadda daahfurka wajigii saddexaad ee horumarinta cilmiga laguna taageerayo wasaaradda waxbarashada Somaliland, wasaaradduna waa inay xil iska saarta maadaama dhaqaale intaa leeg la gelinayo, sidii loo gaadhsiin lahaa cilmiga oo noocyo badan leh, oo qoraal iyo farsamo iyo nooc walba leh degma kasta oo Somaliland ah, inay xil gaara iska saarto, taasi oo ay ka taageerayaan kana maal galinayaan Midawga Yurub aad iyo aad ayaan dhab ahaantii ugu faraxsanahay waana in aynu ILLAAHAY u mahad naqnaa Midawga Yurub oo hawlo badan inagalla shaqeeya kuwaasi oo ay waxbarashada iyo arrimaha caafimaadka sigaara ay culeyska u saaraan, mashruucaan oo ah wajigii saddexaad qiimo weyn ayuu ugu fadhiya qaranka Somaliland, waxbarashada iyo cilmigu qiimaha ay ku fadhiyaana waad garan kareysaan”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply