“Guddoomiyaha Islamic Channel ayaa qiray in Somaliland ka Ammaan Wacantahay UK”

0
493

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka wasaaradda Dastuurka iyo Xidhiidhka golayaasha Somaliland, Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo safar shaqo ugu maqnaa muddo todobaad ah dalka UK ayaa ka warbixiyey ujeedada shirar iyo kulamo caalamiya oo uu kaga qayb galay magaalada London.

Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo shalay warbaahinta kula hadlayey Xarunta wasaaradda ee magaalada Hargeysa ayaa sheegay in shirkado kala duwan ay u bandhigeen fursadaha maalgashi ee ka bannaan Somaliland, waxana uu yidhi “Shir lagu qabtay London oo ay iskugu yimaadeen in ka badan kun qof oo ku guulaystay horumarka dhinaca ganacsiga, ayaa waxa nooga suuragalay in aanu barro Somaliland meesha ay kasoo jeedo, waxa ay tahay, waxa ay hiigsanayso iyo fursadaha maalgashi ee ka banaan iyada oo runtii ay aad iyo aad u daneeyeen dadkii goobta isugu yimid, waxa kale oo suuragal noqotay in aanu tusno muqaal aan ka duubnay Somaliland oo ka waramaaya taariikhda faca weyn ee dalkeena.”

Wasiirka Dastuurka iyo Xidhiidhka golayaasha ayaa sheegay in guddoomiyaha Islamic Channel uu ka markhaati kacay nabadgelyada buuxda ee ka jirta deegaanada Somaliland, isaga oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Guddoomiyaha Islamic channel oo ahaa masuulkii martida loo ahaa ayaa Somaliland si waafiya uga warbixiyey isaga oo sheegay in ay ka ammaan badan tahay goobta shirka lagu qabtay oo London ah, taasi oo dadkii goobta ku sugnaa aad iyo aad ula yaabeen.”

Maxamed Xaaji Aadan Cilmi  ayaa sidoo kale shir la qaatay jaaliyadda Somaliland ee UK, kuwaas oo qaadhan laba iyo lixdan kun oo dollar ah u uruurinaaya agoonta iyo danyarta ku dhaqan deegaanada dalka, waxana uu yidhi “Waxan shir la qaatay jaaliyadda Somaliland ee UK, kaasi oo ay qaadhan ugu uruurinaayey agoonta iyo danyarta Somaliland iyaga oo ahaa dadkii halkaa (UK) ku dhashay laakiin dareenka waddaninimo, walaalnimo iyo ehelnimo ayaa ahaa mid aad u heersareeya, iyaga oo ku dhawaaqay qaadhan dhan 180 kun ginni ah una dhiganta 260 kun oo dollar.”

Ugu danbayn Wasiirku waxa uu sheegay kulan uu la qaatay Ururka NATO iyo qaar ka mid ah warbaahinta afka dheer ee dunida, waxaana uu yidhi “Waxa aan ka qayb galnay kulan Somaliland lagu casuumay oo ah iskaashiga dhinaca baddaha iyo ciidamada oo ay qabteen ururka NATO inaga oo ku naala dhul marin muhiima ah, waxa aanu kulan la qaadanay warbaahinta caalamiga ah ee dunida ugu afka dheer kuwaasi oo aanu ugu waranay Somaliland waxa ay tahay, siyaasadeeda iyo waxa ay xaqa u leedahay oo ah waxa dawlad walba xaq u leedahay.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply