Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Oo Shacabka Ka Tacsiyadeeyey Geerida Ku Timid Marxuum Maxamed Jaamac Nuur (Balaaki).

0
40

Hargeysa(Dawan)Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna ku simaha madaxweynaha Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici ) Ayaa Shacabka Ka Tacsiyadeeyey Geerida Ku Timid Marxuum Maxamed Jaamac Nuur (Balaaki).

Tacsi Madaxweyne Ku Xigeen: 13/03/2019
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha Madaxweynaa Qaranka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Jaamac Nuur (Balaaki) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu ahayd 13/03/2019, dalka Kenya.

Waxaanu madaxweyne ku xigeenku ku sifeeyey Marxuumka oday ka mida odayaashii iyo ganacsatadii reer Nairobi ee sida xooga leh uga soo shaqeeyey halgamadii kala duwaanaa ee dalka loo soo maray.

Ku simaha Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Aamiin Aamiin Aamiin
Xafiiska Saxaafadda iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here