Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Oo Wasiirkii Hore Ee Qorshaynta Somaliland Cali Shoombe Ka Tacsiyadeeyey Geerida Naxdinta Leh Ee Ku Timid Xaaskiisii.

0
675

Hargeysa(Dawan)Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Ayaa Wasiirkii Hore Ee Qorshaynta Somaliland isla markaana ahaa Safiirkii Somaliland ee dalka Ethiopia Cali Shoombe Ka Tacsiyadeeyey Geerida Naxdinta Leh Ee Ku Timid Xaaskiisii.

sidaasna waxa lagu sheegay qoraal tacsi ah oo kasoo baxay xafiiska madaxtooyada Somaliland, soona gaadhey qaybta Online ka wargeyska Dawan, kaas oo u dhignaa sidan :-

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha Madaxweynaa Qaranka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, ubadka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuumad Hibaaq Cabdiqaadir Koosaar oo ku geeriyootay maanta oo ay taariikhdu ahayd 13/03/2019, shil gaadhi oo ka dhacay gudaha Caasimada Hargeysa.

Ku simaha Madaxweynuhu waxa uu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaasi , wasiirkii hore ee qorshaynta qaranka marna ahaa safiirkii hore ee itoobiya u fadhiyi jiray Somaliland, siyaasi Cali Xuseen Ismaaciil (Cali Shoombe) oo marxuumadu ay xaaskiisa ahayd.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu marxuumadaasi ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Ubadka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxdayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Aamiin Aamiin Aamiin
Xafiiska Saxaafadda iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSLa

Leave a Reply