Guddoomiyaha Ballicabane oo Bulshadda Ugu Baaqay in ay ka Qayb-qaataan Dhameystirka Dhismaha Jidka Hargeysa iyo Degmadaas

0
527

Balicabane (Dawan) Guddoomiyaha degmadda Ballicabane ee gobolka Hawd mudane Axmed Cabdillaahi Ibraahin ayaa bulshaweynta degmadda Ballicabane gudo iyo dibadba ugu baaqay inay ka soo qayb qaatan soo bixinta kharashka dhameystirka jidka degmadda Ballicabane iyo Hargeysa.

Sidoo kale guddoomiyuhu waxaa uu ka hadlay dawadii taalay cisbitaalka degmadda Ballicabane oo uu xusay in dhismo ku socda cisbitaalka dartii ay dayac u baabaday, kadib markii qoraxda loo dhigay.

Guddoomiyaha degmadda Ballicabane ee gobolka Hawd mudane Axmed Cabdillaahi Ibraahin, waxa uu ugu horeyn ugu baaqay bulshaweynta degmadda guda iyo dibadba inay soo bixiyaan kharashaadka dhameystirka jidka Hargeysa illaa Ballicabane waxaanu yidhi “Jidkii isku xidhayay degmadda Ballicabane iyo magaaladda Hargeysa, waa la bilaabay meel wanaagsan ayay mareysaa, waxaan leeyahay bulshada gudo iyo dibadba sidii looga qayb qaadan lahaa kharashka dhameystirka wadadaasi ha loo diyaar garoobo, anagu ka degmo ahaan waxaa aanu hadad gacanta ku heynaa urrurinta xoolihii wadadaasi lagu sameyn lahaa, bulshadana gudo iyo dibadba waxaanu leenahay sidaa fiican ee hawsha loo wado ha loo wado.”

Dhanka kale guddoomiye Axmed waxaa uu caddeeyay in daawadii taalay cisbitaalka degmadda Ballicabane ay u baabaday una xumaatay dayac waxaanu yidhi “Cisbitaalka degmadda dhisme ayaa ku socda, waxaa ugu daran dawaddii ay isticmaali lahayd bulshadda degmaddaasi iyo deegaanadda hoos yimaada ku nool, daawadii cisbitaalkaasi taalay oo cadceedi dishay, daawadaasi waxaa ay taallaa meel bacada oo cadceeda.  Halkii guri loo kireynlahaa ka badbaadiya kuleylka daran ee cadceeda, meel bannaan oo bacada ayaa leyska dhigay. wey noo yimaadeen masuuliyiinta wasaaradda caafimaadku oo waxaaney noo sheegeen in ay dawadaasi tahay mid dhimatay oo aan la isticmaali karin.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply