Tababar Loo Soo Xidhay Dufcadii 31 Aad ee Ciidanka Booliska Somaliland

0
610

Hargaysa (Dawan) Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye iyo Taliyaha ciidanka Booliska Sarreeyo Gaas Cabdillaahi Fadal Iimaan ayaa shalay tababar u soo xidhay dufcadii 31 aad ee sarakiil xigeenada ciidanka booliska oo muddo tababar uga socday dugsiga Tababarka ee Mandheera.

Munaasibad shalay lagu qabtay dugsiga tababarka ciidamada ee Mandheera ee tababarka loogu soo xidhayay saraakiil xigeenada ciidanka booliska ayaa sidoo kale waxa tababar looga furayay saraakiil xigeenada ciidanka laanta socdaalka iyo ciidamo ka tirsan ciidanka booliska, waxaana ka soo qayb galay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeyo Gaas Cabdillaahi Fdal Iimaan, Taliyaha Laanta Socdaalka Maxamed Cismaan Caali, Taliyaha Dugsiga tababarka Mandheera Cabdi Cali Xayd iyo saraakiil ka tirsan ciidanka booliska.

Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Arimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye oo hadal ka jeediyay furitaankii tababarkaas ayaa waxa uu sheegay in ciidanka booliska Somaliland ay yihiin kuwa lagu seexdo ee lagu soo tooso. waxaana uu yidhi “Waxa aad tihiin ciddii lagu seexanayay ee lagu soo toosayay, hadaad tihiin ciidanka Booliska ee heeganka u ah habeen iyo maalinba umadda, in badan oo dadkeena ah oo shaqaysanaysaa xiligay doonaan ay seexdaan xiligay doonaana waa soo toosaan, waxaanad u shaqaynaysaan Somaliland, iyaga ayaad  isku haysaan. Waxa aynu ognahay waxa hareeraheena ka socda cida ay tahay in ay dalka ka ilaaliso waa idinka, ummadda aad dhex tagaysaan kuwa aad u baahantihiin in ay nabada idinkala shaqeeyaan waa shacabka, waxaana laydiika baahanyahay in aanay idiin arag cadaw”.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeyo Gaas Cabdillaahi Fadal Iimaan ayaa waxa uu sheegay in tababarkan saraakiil xigeenada booliska ku qaateen hogaaminta hoose ee ciidanka booliska. Waxaana uu yidhi “Muddadii tababarku halkan uga soconayay saraakiil xigeenada waxa ay ku qaateen shuruuc kala duwan, saraakiil xigeenku waa xadhiga u dhaxeeya saraakiisha iyo ciidan waynaha Booliska, waana halka uu ka dhismo ciidanka boolisku.

Hore waxa dugsigan Mandheera uga soo baxay taliyayaasha saldhigyada Booliska Somaliland, waxaanu tababarkan uga dan lahayn in lagu barto hogaaminta hoose ee ciidanka booliska maanta ayaana loo xidhayaa dufcadan 31 ee xubnaha ciidanka booliska ee saraakiil xigeenka ah.

Waxa kale oo tababar loo furi doonaa ciidan ku soo biiray ciidanka booliska iyo ciidanka laanta socdaalka oo saraakiil xigeeno ka kooban ciidanka booliska iyo ciidanka laanta socdaalka ah”.

Taliyaha Ciidanka Laanta Socdaalka Somaliland Sarreeyo Guuto Maxamed Cismaan Caalin Dayib ayaa waxa uu ku ammaanay ciidanka booliska iyo kaalinta ay kaga jiraan ammaanka dalka. waxaana uu yidhi. “Waxa xaqiiqa kaalinta aad ka haysaan Nabedgalyada dalka oo lagu seexday oo aynu kaga duwanahay meelo badan oo ka mida geeska Afrika, hawsha qaranka aad u haysaana hore ayaa loogu seexday dibna waa loogu seexan doonaa maanta, shalay Idika ayaa nasiib u helay in badhkiina ka qalan jabinayaan dugsigan badhkiina tababar loo furayo”.

Sidoo kale Taliyaha Dugsiga Tababarka ee Mandheera Cabdi Cali Xaydh ayaa waxa uu sheegay in tababarkan saraakiil xigeenada ay ku barteen Hogaaminta maamulka iyo maaraynta, waxaana uu hoosta ka xariiqay in ay wax badan ka faa’iidaysteen muddadii uu tababarku socday.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply