Gudida Dabagalka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiiladda oo Warbixin ka Dhegaystay Wasiirka Qorsheynta Qaranka

0
543

Hargeysa (Dawan) Guddi hoosaadka dabagalka iyo ilaalinta hantidda qaranka ee golaha wakiiladda Somaliland ayaa warbixin ka dhegaystay wasiirka wasaaradda qorsheynta qaranka Somaliland mudane Cawaale Ibraahim Shirwac.

Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin oo sacaado badan qaatay ayay guddidu wasiirka ku weydiiyeen su’aalo la xidhiidha sanduuqa SDF iyo qorsheyaasha wasaaraddaasi, su’aalahaasi oo wasiirkuna si faahfaahsan warbixin uga siiyay guddida.

Guddoomiyaha guddi hoosaadka dabagalka iyo ilaalinta hantidda qaranka mudane Ibraahim Mahdi Buuba ayaa warbaahinta la wadaagay waxyaabihii ay ka wada hadleen waxaanu yidhi “Guddidda illaainta iyo dabagalka hantidda qaranku waxa ay u yeedhay oo ay xog-wareysaneysay wasiirka horumarinta qorsheynta qaranka Cawaale Ibraahim Shirwac, oo aanu ka xog wareysaneynay arrimaha jaangoynta iyo horumarinta qarankan, gaar ahaan sanduuqa SDF oo in badan hawlo badan oo dhanka horumarka ah ka shaqeynayay lacago badan oo qarankan lagu horumarinayay maamulayay gacantana ku hayay, xog waran arrintaasi aad ugu saabsan ayaanu la yeelanay wixii xog aanu uga baahneyna wasiirku wuu na siiyay, waanu ku mahadsan yahay.”

Ugu danbeyn gudoomiye Buuba waxaa uu sheegay in kulankan ka xiga ay la kulmi doonaan madaxda iyo masuuliyiinta gacanta ku haya sanduuqa SDF, waxaanu yidhi “Waxaa kulankan ka xiga aanu la yeelan doonaa hay’adda SDF ee maamusha sanduuqaasi iyadda lafteeda oo halkan guddi ahaan aanu kula shiri doono anaga oo ka shidaal qaadaneyna xogihii aanu ka helay wasiirka wasaaradda qorsheynta qaranka.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply