Maxkamadda Sare ee Somaliland oo loo Raray Gobolada Galbeedka

0
579

Gebiley (Dawan)- Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland, Aadan Xaaji Cali ayaa sheegay in Maxkamadda sare ee dalku ay u guurtay gobolada galbeedka dalka, si ay uga soo garnaqdo dacwadaha ka jira deegaanada Miyiga ah illaa magaalooyinka .

Aadan Xaaji oo waraabhinta kula hadlay Magaalada Gebiley ayaa sheegay in muddo bil ah ay qaybaha kala duwan ee Maxkamadda sare ku maqnaanayaan gobolada galbeedka Somaliland, waxaana uu yidhi “Waxa aanu Iclaaminaynaa in Maxkamaddii sare ay u soo guurtay gobolada galbeedka ee Gebiley, Awdal iyo Salal oo muddo bil ku dhow ay goboladaa mari doonto.

Maxkamadda sare waxa ay aad u xoojisay sannadihii danbe waxa loo yaqaan Maxkamaddaha guur guura iyada oo ujeedadeedu tahay in garsoorka iyo cadaaladda dadka la gaadhsiiyo iyo in loo dhaweeyo garsoorkii dalka.”

Guddoomiyaha Maxkamdda sare ee Somaliland, Aadan Xaaji Cali ayaa sheegay in goob kasta oo deegaanada galbeedka ah ay gaadhayaan, isla markaana ay dhegaysan doonan cabashooyinka laga qabo Madaxda goboladaas, waxana uu yidhi “Goobaha aanu booqanaynaa waa magaalooyinka waaweyn, tuulooyinka, dhulka beeraha ah, dhul daaqsimeedka iyo goobaha miyiga ah, gaar ahaan meel walba oo ay dacwadi ka timaado ama gari ka jirto, waxa aanu la xisaabtamaynaa madaxda gobolada iyo degmooyinka, waxa laga cabanaayo waanu dhegaysanaynaa, waxaanan shirar la galaynaa dhammaan hawl-wadeenada garsoorka ee gobolada galbeedka dalka.”

Maxkamadda Sare ee Somaliland ayaa hore ugu guurtay deegaanada gobolada bariga Somaliland iyada oo dacwadaha ay ka garnaqayso ku dhegaysatay xataa geedaha hoostooda iyo deegaanada fogfog.

Dawannews Hargeysa office

 

Leave a Reply