Madaxweynaha Somaliland Oo Sheegay In Dawladda Muqdisho Weli Diidan Tahay Soo jeedimaha Caalamka ee Wada-hadallada

0
779

Abu-dhabi (Dawan): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa shaaca ka qaaday in dawladda Imaaraadka Carabtu ka ogolaatay in dhalinyaradda Somaliland ee waxbartay ay ka shaqayn karaan wadankaasi.

Waxaanu sheegay inay meel wanaagsan marayaan dhammaan waxyaabihii ay hore ugu heshiiyeen dalalka Somaliland iyo Imaaraadka Carabtu ee dhinacyadda shaqaalaha, horumarinta iyo iskaashiga dawladnimo.

Gaar ahaan qodobbada ku saabsan sidii xoolaha Somaliland ay saylad uga heli lahaayeen dalka Imaaraadka iyo sidii Baasaboorka Somaliland ay Imaaraadku u aqbali lahaayeen, isla markaana loo furi lahaa suuqa dhallinyarada labada dal ka soo kala jeedda oo baahi u qabta inay si xor ah shaqo uga helaan labada waddanba.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu sidan ka sheegay khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo uu u jeediyey jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta oo uu booqasho shaqo ku joogay todobaadkan.

Muuse Biixi Cabdi, waxa uu jaaliyadda uga warramay xaaladda guud ee dalka, caqabadaha jira iyo dedaalka ay xukuumaddu ugu jirto ka midho-dhalinta heshiisyadii qaranku la galay dalka Imaaraadka oo waqtigan meel wanaagsan maraya iyo ololaha loogu jiro sidii bulshadu u gaadhi lahayd isku-filnaansho dhinaca wax soo saarka ah.

Madaxweynuhu waxa uu sharraxay fursado loo oggolaaday aqoonyahanka reer Somaliland ee wax bartay, kuwaas oo loo oggolaaday inay ka shaqaysan karaan dalka Imaaraadka Carabta, isla markaana horraantooda dhawaan la qaadi doono,

Waxaanu yidhi “Waxaannu ka codsannay dadka jaamacadaha gudaha ka soo baxay ee Somaliland jooga, gaar ahaan kuwa cilmiga Baatroolka iyo hawlaha kale ee halkan ka bannaan ku soo takhasusay in tixgelin gaar ah naloo siiyo inay halkan yimaaddaan oo Document-ga ay sitaan-ba lagu siiyo sharci.

Odaygii na wuu naga abqalabay, kuwii la joogayna wuu Faray, Jaamac (wasiirka macdanta) oo Macdanta qaabilsanina 40 (Afartan) buu sheegtay, halla soo qaado buu yidhi.”

Waxa kaloo uu tilmaamay inay ka bilaabmeen mashaariicdii waaweynaa ee dalka Imaaraadka lagula heshiiyay inuu Somaliland ka hirgeliyo, isagoo tusaale u soo qaatay dhismaha dekedda Berbera iyo waddada isku xidha Wajaale iyo Berbera.

“Waxa ILLAAHAY mahaddii ah in ballantii iyo lacagteedii fushay oo la bilaabay dekeddii Berbera, maanta dekeddii waa la bilaabay hawsheediina way socotaa 400M (Afartii boqol ee mitir-na) ee dekedda na waa la dhammayn doonaa insha ALLAAH laba sano gudahood.

Qoddobka kale ee aynnu berigaas ku heshiinnayna waxa uu ahaa waddada u dhaxaysa Berbera iyo Wajaale, waddadaasina way bilaabantay lacagteediina way soo diyaariyeen.

Waxaanan ka codsannay in lagu horreeyo Biriijyada oo dhibaato badan inagu haya Gu’gii oo horto toddobada Biriij, gaar ahaan kuwa biyahoodu xawliga ku socdaan laga bilaabo,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxa uu ku dheeraaday dedaallada kala duwan ee xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay ugu jirto isku soo jiidka iyo isku wadka bulshada, isla markaana ay xukuumaddu waqti badan gelisay sidii shacabka looga shaafiyi lahaa xanaftii ka dhalatay doorashadii madaxtooyada ee sannadkii 2017-kii dalka ka dhacday.

Ugu dambayntii madaxweynuhu waxa uu bulshada xasuusiyay inay Soomaaliya weli ku hawlan tahay gardarro iyo hagardaamooyin ay la daba socoto dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Iyadoo maamulka Muqdisho weli diidan yahay soo jeedimaha bulshadda caalamku ku doonayso in wada-hadal furan oo madal loo dhan yahay ka dhaca lagu garnaqsado.

Dhinaca kale weftiga uu hogaaminayay madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland oo safar qaatay lix maalmood ugu maqnaa dalka Imaaraadka Carabta ayaa Khamiistii doraad dalka dib ugu soo laabtay.

Waxaana madaxweynaha iyo wetigiisa garoonka diyaaradaha Hargaysa ku soo dhaweeyay xubno ka mid ah golaha wasiirrada iyo maamulka gobolka Maroodi-jeex.

Af-hayeenka madaxweynaha Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac oo weftiga ka mid ahaa, ayaa socdaalka madaxweynaha iyo waxyaabihii u soo qabsoomay warbaahinta uga warbixiyay.

Waxaanu yidhi “Madaxweynaha iyo masuuliyiinta dawladda Imaaraadku waxa ay kaga wada-hadleen kulamadooda arrimo badan, oo ay ka mid yihiin ammaanka guud iyo horumarka mandaqadda Geeska Afrika.

Xoojinta xidhiidhka labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Imaaraadka Carabta, koboca dhaqaalaha, maalgashiga, macdanta iyo Tamarta, Iibka xoolaha dalka Jamhuuriyadda Somaliland, Dalxiiska, horumarinta xeebaha iyo kalluumaysiga.

Isku socodka labada shacbi iyo isku-furka suuqyada dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Imaaraadka Carabta iyo dardargelinta heshiisyadii iyo hawlihii horumarineed ee mashaariicda waaweyn ee ay labada dal muddooyinkii ugu dambeeyey wadaagayeen.”

Madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah ee uu hoggaaminayo, ayaa muddadii ay safarka ahaayeen kulamo la lahaa madaxda iyo saraakiisha kala duwan ee ugu sarraysa dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, waxaanay kulamadaasi ku soo dhammaadeen guul iyo is Af-garad buuxa.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply