“Xabsiyadu Maaha Goobo Dadka Lagu Cadaadiyo, Balse Waa lagu Saxaa” Gudoomiyaha Maxkamada Sare

0
643

Gebilay (Dawan):- Gudoomiyaha Maxkamada Sare JSL, Prof Adan Xaaji Cali ayaa sheegay inaanay xabsiyadu ahayn goobo dadka lagu cadaadiyo, laakiin lagu saxxo, isla markaana xog-ogaal u noqon doonaan xaaladaha jeelka & in maxaabiistu helaan xuquuqda aasaasiga, booqasho uu ku tegay xabisga Gebilay.

Wefdi uu hogaaminayo Gudoomiye Adan kana socda Maxkamada Sare oo socdaal shaqo ku tegay gobolada galbeedka Somaliland oo kulan uu la yeeshay madaxda xabsiga Gebilay ayaa yidhi,

“Sababta aanu u soo booqanay waa ogaanshaha xaalada dhabta ee xabsiga. Muhiimaduna waa in adeega xabsigu bixinayo ahaado mid ku salaysan xuquuqda aasaasiga.”

Prof Adan X Cali, gudoomiyaha Maxkamada Sare, ahna Gudoomiyaha Guddiga Caddaaladda & Gudoomiyaha Maxkamada Dastuurka, oo gudaha xabsiga kula hadlayey warbaahinta shalay ayaa yidhi,

“Xabsiyadu maaha goobo dadka lagu cadaadiyo, balse waa lagu saxxaa. halkan waxbarasho shareecadii, luuqadaha ayaa ka socota, mustaqbalkana waxaan doonaynaa in jaamacadaha lagu soo xidho, oo xafiisyo ka furtaan, si qofkii waxbaranaya fursado loo siiyo.

Gudoomiyaha Maxkamada Gebilay cabdikariin C Cabdi ayaa sheegay inay usbuuc walba soo kormeeraan xabsiyada, waxaana hadalkiisi ka mid ahaa,

“Maxaabiista halkan ku jirta inta ugu badan waxa keenta maxkamada, maxaabiista rumaanka waan ka ilaalinaa, kiisaska adage e saldhigyada la geyn Karin mooyee, wax garsugeyaal ah oo badan kuma jiraan xabsiga gebilay.”

Maxaabiis kala duwan oo xabsiga gebilay ugu jiray xukun la’aan ayaa Maxkamada sare dacwadahoodii ku dhegeysatay gudaha xabsiga, halkaa oo qaarkood xukuno lagu riday, halka qaar kalena xorriyadoodii loo soo celiyey.

Socdaalka shaqo ee wefdiga uu hogaaminayo Gudoomiyaha Maxkamada Sare Prof Adan X Cali ku tageen Gobolada Galbeedka JSL oo daba socda kii dabayaaqadii sannadkii dhamaaday ku tageen Gobolada barriga ayaa la saadaalinayaa inuu u fududeeyo bulshada helitaanka caddaaladda.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply