Gudoomiyaha Maxkamadda Sare oo Xadhiga ka Jaray Maxkamadda Degmadda Kalabadheydh

0
538

Gabiley (Dawan) Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed ayaa sheegay in ay wadaan qorshe meelkasta oo bulshadda Somaliland ay ku nooshahay lagu gaadhsiinayo adeegyadda dhanka garsoorka iyo caddaalada.

Waxa kale oo uu guddoomiye Aadan xadhiga ka jaray dhismaha maxkamad ay yeelan doonto degmadda Allaybadey oo hoos timaada gobolka Gabiley.

Sidoo kale guddoomiyaha iyo jaamacadda Timacadde ee gobolka Gabiley ayaa kala saxeexday heshiis dhanka waxbarashada ah, kaasi oo ay ka faa’ideysan doonaan wixii bahdda garsoorka iyo dhanka caddaaladda ku abtirsadda.

Dhanka kale waxaa uu kormeer ku tagey saldhiga ciidanka booliska ee degmadda Togwajaale halkaasi oo ay warbixino kaga dhageysteen saraakiisha ciidamada iyo maxaabiistii halkaasi ku xidhneyd.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland mudane Aadan Xaaji Cali Axmed isaga oo ugu horreyn arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Muhiimadda ay degmaddu leedahay awgeed, waxa aanu go’aasaney in maxkamad laga furo, sababta oo ah waxa aanu ogeyn oo baryahan ugu danbeeyay aanu wadney balaadhinta adeega garsoorka in adeega garsoorka la balaadhiyo oo aan magaalooyinka waaweyn uun la fadhiyin ee la gaadhsiiyo dhulka bulshada Somaliland oo dhammi ku nool yihiin, badhtamihii 2016-kii waxaanu wadanka ka furney maxkamaddo waaweyn, kuwaasi oo aanu ka furnay degmooyin badan, sida aynu ogsoonahayna garsoorka iyo caddaaladu waa halbowlaha umadda”

“Aad iyo aad ayaanu u soo dhaweyneynaa guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland iyo waftiga uu hogaaminayo, waananu idiinka mahad celineyna imaanshiyaha aad noo timaadeen, aad ayaanuna ugu faraxsanahay dhab ahaantii, waxaana sharaf weyn inoo ah in uu inoogu yimid in uu inoo furo oo xadhiga ka jaro xafiiskii maxkamadda ee degmadda Allaybadey, waxaaney degmadda u soo kordhin doontaa adeegyo fara badan oo dhanka sharciga ah oo aaney hore u lahaan jirin” ayay yidhi masuul ku hadlayay afka degmadda Kalabeydh ee gobolka Gabiley.

Gudoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland garyaqaan Aadan Xaaji          Cali sidoo kale waxaa uu ka hadlay heshiis ay wada galeen maxkamadda sare iyo jaamacadda Timacade ee Gabiley, waxaanu yidhi “Waxaa noo sharafa in aanu halkan ku kala saxeexaney maxkamadda sare iyo jaamacadda Timacadde ee gobolka Gabiley, iyadda oo ay ujeedadeedu tahay sidii kor loogu qaadi lahaa waxbarashadda, inay deeq waxbarasho siinayaan dhammaan qaybaha garsoorka, caddaaladda iyo asluubta oo dhan, in qofkasta oo ka soo galla oo kuliyaddaha kala duwana dhiganaya boqolkiiba sodon feega laga daayo”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply