Gudoomiyaha Sanaag oo ka Dayriyay Biyo Yaraan ka Taagan Gobolkaas

0
834

Ceerigaabo (Dawan) Badhasaabka gobolka Sanaag Maxamed Axmed Caalin (Tiinbaro) ayaa si weyn uga dayriyay xaaladd biyo yaraan ah oo soo food-saartay bulshooyinka ku nool degmooyinka Ceerigaabo iyo Ceel-afweyn, waxaanu xusay in nugulka sida dameeraha oo kale ay haraad ugu dhinteen, islamarkaana loo baahan yahay gurmadd deg degga.

Dhanka kale guddoomiye Tiinbaro ayaa ka hadlay hay’adda WFP oo caawimadii ay siin jirtay ka jartay dadkii abaaruhu saameeyeen, waxaanu wasaaradda arrimaha gudaha ugu baaqay inay hay’addaasi xidhiidh ay la sameeyaan.

Badhasaabka gobolka Sanaag Maxamed Axmed Caalin (Tiinbaro) isaga oo ka hadlaya xaaladda biyo yaraaneed ee soo food saartay bulshooyinka ku nool degmooyinka Ceerigaabo iyo Ceel-afweyn waxaa uu yidhi “Maanta waxaa aan shirkeygan jaraa’id u qabtay hawl adag oo abaareed oo ka jirta gobolka Sanaag, dhab ahaantii abaarta gobolkani maaha mid dhanka daaqa ah, xooluhu wax ay cunaan waa ay heystaan hase ahaate waa mid xaga biyaha ah oo xaga dhulka bannaanadda ah u badan, dhulkaasina waxaa ay u baahan yihiin gurmad degdegga, nugulkii waa ay ku bakhtiyeen sida dameerihii dhibaataddaasi ayaa halkaasi ka taagan, degmadda Ceerigaabo iyo Ceel-afweynba gurmadd degdegga ayay u baahan yihiin, meel halisa ayay nala mareysaa, Illaahey raxmaadkiisa waanu fileynaa inuu dhawaan na siiyo, inta ka horreysa laakiin waxaanu u baahanahay xukuumadd ahaan shacab ahaan, hay’add ahaan in gurmadd deg degga dadkeena lala soo gaadho”

Dhanka kale gudoomiye Tiinbaro ayaa ka hadlay hay’adda WFP oo caawimadii ay siin jirtay ka jartay dadkii abaaruhu saameeyeen, waxaanu yidhi “Waxaa taasi ka sii daran ‘Ninbaa yidhi anoo ooyaya ayaa weylina igu joogsaday, iyadda oo dadkiiba sidaasi tabcaan isaga yihiin oo biyo la’aantaa, abaartaa, oodo lulkaasi uu ku jiro ayay hay’addii WFP-na ay tidhi dadkiiba raashinkii waanu ka jarnay. iyadduna saxmadd kale iyo buuq ayay sameysay, waxaannu hay’addaasi ka codsaneynaa bal arrintaasi in dib loogu noqdo waana arrin khatarteeda leh, wasaaradda arrimaha gudaha waxaanu ka codsaneynaa in ay hay’addaasi xidhiidh la sameeyaan oo gurmadd deg degga mooyaane in wax nalaga joojiyo mid aanan u fadhiyin ayay aheyd.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply