Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo Arrin Shuruucda Baal-marsan Ku Tilmaamay Hadal Ka Soo Yeedhay Guddoomiyaha SONSAF

0
730

Hargaysa (Dawan): Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa mid sharciga baal-marsan ku tilmaamay baaq ay dorraad soo saareen dalladda ay ku midaysan yihiin ururrada aan dawliga ahayn ee Somaliland ee marka magacoodda la soo gaabiyo loo yaqaano SONSAF.

Guddoomiyaha dallada SONSAF oo warbaahinta la hadlay, isla markaana soo saaray baaq, ayaa ku sheegay in komishanka doorashooyinku ay is casilaan si bay yidhaahdeen ay doorashooyinku u qabsoomaan, isla markaana uu dhabar jebinayo qabsoomidda doorashooyinka.

Guddoomiyaha komishanka doorashooyinka Somaliland Cabdiqaadir Iimaan Warsame, oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xaruntoodda magaaladda Hargaysa, ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay hadalka ka soo yeedhay guddoomiyaha SONSAF.

Cabdiqaadir Iimaan Warsame, oo ugu horayn ka hadlayay ujeedadda uu shirka jaraa’id u qabtay waxa uu yidhi “Waxaan ka jawaabaynaa hadal uu warbaahinta ka sheegay guddoomiyaha ururradda aan dawliga ahayn ee SONSAF, oo ahayd arrin ugub ku ah wada shaqaynta xisbiyadda iyo dawladda Somaliland, komishanka doorashooyinka iyo hay’adaha aan dawliga ahayn ee Somaliland ka jira. Arrintaasi oo ay ahayd ka hor inta aan warbaahinta la isku marin in laga wada tashado”.

“Waxaanu cadaynaynaa in ay ka muuqatay guddoomiyaha SONSAF in aanu fahamsanayn waxa looga jeedo caqabadaha hor taagan komishanka doorashooyinka ama doorashooyinka la qabanayo. Kuwaas oo u mudaysan 12-ka bisha December 2019-ka.

Iyadoo aan xisbiyadda, xukuumadda iyo komishanka oo ka soo shaqeeyay-ba aanay isla diidanayn. Halkan waxaan ka cadaynaynaa komishanka doorashooyinku in uu ku aasaasan yahay sharci, wadanku-na waa dal shuruuc iyo xeerar ku dhisan, oo aan la baalmari Karin oo inta qof iska qaato meesha uu doono la marayo.

Komishanka waxaa lagu magacaabaa sharci, nidaam sharci ayaana loo maraa. Haddii ay magacaabista xubnihiisa tahay, haday wakhtiga ay joogayaan tahay iyo haday tahay awoodda ay leeyihiin ba, ee ah awoodda doorashadda iyo diiwaangelinta oo ay u xil saaran yihiin” ayuu yidhi guddoomiye Cabdiqaadir Iimaan.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa ku eedeeyay guddoomiyaha SONSAF in uu baal maray xayn-daabka sharci ee arrimaha qabsoomidda doorashooyinka. Waxaanu yidhi “Waxaanu u sheegaynaa guddoomiyaha SONSAF in uu baal maray xayn-daabkii iyo nidaamkii dawladnimo. Isaga oo komishan wakhtigiisii ku jira uu leeyahay ha banneeyaan kuraasta, oo uu amar ka bixinayo. SONSAF waa hay’adaha aan aasaasiga u ahayn xagga siyaasadda iyo shuruucdaba, ee ah hay’ad aan dawli ahayn. Markaa waxay ahayd in uu garto xayn-daabka sharci ee isaga ku hareeraysan”.

Waxaanu intaas raaciyay “Komishanka doorashooyinku, waa hay’adda ugu sarraysa markay doorasho noqoto, markay noqoto diiwaangelin iyo shuruucda la xidhiidha oo dhan.

Waxaanan ka xunnahay, isaga oo guddoomiyaha SONSAF ku carabaabay in uu yidhi saddexdii xisbi wada shaqayn lama laha komishanka doorashooyinka. Halka uu ka keenay isaga ayaa la waydiinayaa. In uu been fariimay guddoomiyaha golaha Guurtidda Somaliland, halka uu ka keenay isaga ayaa laga doonayaa.

In komishanka doorashooyinka uu been fariimay oo uu yidhi waxay eedeeyeen madaxweynaha, xisbiyadda qaranka iyo labadda gole-ba. Taana isaga ayaan ka rabnaa halka uu ka keenay” ayuu yidhi guddoomiyaha komishanka doorashooyinka Somaliland.

Geesta kale guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland waxa uu sheegay in doorashadda golaha Wakiiladda oo ku mudaysan in ay qabsoonto 12-ka bisha December ee sanadkan ay waxyaabaheedii u diyaar yihiin.

Waxaanu intaas raaciyay in guddoomiyaha SONSAF uu ku gefay madaxweynaha Somaliland oo uu amar ku siinayo in uu komishanka doorashooyinka kala diro, taasina aanay ahayn mid ay sharci u leeyihiin SONSAF.

Isagoo arrimahan ka hadlayayna waxa uu yidhi “Doorashadii u mudaysnayd 12-ka bisha December 2019-ka, waxeedii oo dhami waa diyaar. Waxaa se la eegayaa in madaxweynaha, saddexda xisbi iyo dadweynuhu u diyaar garoobaan oo sidaas lagu gallo doorashadda. Ma aha in la dhabar jebiyo iyadoo la waddo isku keenid iyo waan-waan, isla tashi. Ma aha in la dhabar jebiyo.

Qaranka ayay u taalaa, qaranka ayaynu ka mid nahay dhamaanteen. Waana in aan gacmaha isku wada qabsano kuligeen, si ay doorashadaasi u noqoto, doorasho wanaagsan.

Marka uu guddoomiyaha SONSAF madaxweynaha leeyahay kala dir komishanka doorashooyinka, anagu waxaanu u aragnaa sifaha sharciga ah in loo marayo. Madaxweynuhu-na sharciga kama sarreeyo, qof sharciga ka sarreeyaana ma jiro, sharciga ayaana la marayaa”.

Ugu danbayn guddoomiye Cabdiqaadir Iimaan, waxa uu tilmaamay in ay jiraan shan caqabadood oo hor taagan qabsoomida doorashooyinka Somaliland, kuwaasoo ay xisbiyadda iyo xukuumadaba isla og yihiin.

Isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Caqabadahan aan sheegnaynaa ma aha komishanka ayaa caqabad ah. caqabaduhu waa shan caqabadood, oo ay nala qaateen xisbiyadu. Waxaana ka mida in xataa xisbiga Waddani uu nala qaatay in shantaas caqabadood ay hor taagan yihiin in doorashadu ay qabsoonto”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply