Wasiirka Maaliyadda oo Tababar u Furay Waaxda Cashuura Barriga

0
736

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire ayaa u soo jeediyay shaqaalaha waaxda cashuuraha barriga ee wasaaradda maaliyadda in sannadkan loo baahan yaha in shaqada kor loo qaado, isla markaana la helo hal tiriliyan iyo afar bilyan, si shan iyo afartanka hay’addood ee dalka ka jiras iyo ciidamada qaranku hawlahood u gutaan.

Sidoo kale waxaa uu ganacsatadda ku ammaanay sida hagar la’aanta ah ee ay cashuuraha u bixiyaan.

Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire waxa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay tababar uu u furay waaxda cashuuraha barriga ee wasaaradda maaliyadda.

Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire isaga oo ugu horeyn arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Sannadkan waxaa inoo qoran in loo baahan yahay hal tiriliyan iyo afar bilyan si shan iyo afartanka hay’addood iyo ciidamada qarankuba u gutaan hawshooda, lacagtaasi loo baahan yahay waa in loo urruriyo shilin shilin, dabcan iska iman meyso, waxaana loo xilsaaray dadka xagga hore kaga jira, sidii loo helilaaha qadarka loogu adeegayo umaada, waa idinka”

Dr. Sacad Cali Shire isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu intaasi raaciyay “Ma tihidin cashuurqaade oo kaliya safiirana waad tihiin, muwaadinka iyo dawladdu waxaa ay ku kulmaan laba meelood, waxaa ay ku kulmaan goobta cashuurta iyo goobta adeega, dadka muwaadiniinta ah ee wanaagsan ee cashuur bixiyaha ah waliba ganacsatadda yar yar ee xil iska saaray inay habeen iyo maalinba bixiyaan iyaga oo ay culeys ku tahay waan uga mahad celinaya aniga oo wasaaradda maaliyadda wakiil ka ah”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply