Xukuumada oo Shir ka Yeelatay Gurmad loo Fidinayo Abaaraha Gobolada Bariga

0
758

Hargeysa (Dawan):- Shir Ballaadhan oo uu Guddoominayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay ka qeyb galeen madax iyo masuuliyiin ka socota hay’addaha Qaramada midoobay iyo hay’adaha samo-falka ee Somaliland ku sugan, madaxda qaar ka mid ah hay’adaha madaxa bannaan iyo wasiirro xukuumadda ka tirsan, ayaa shalay ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulankan oo ay goob-joog ka ahaayeen in ka badan 30 Hay’addood oo isugu jira kuwa Qaramada Midoobay, hay’addaha caalamiga ah iyo kuwa sama-falka ee dalka ka hawlgala, ayaa diiradda lagu saaray sidii gurmad iyo taakulo loo gaadhsiin lahaa dadka iyo duunyada ku dhaqan gobollada bariga Somaliland oo xaalad abaareed iyo mid biyo la’aaneedba ay taabteen

Guddoomiyaha hay’adda u-diyaar-garowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka, mudane Faysal Cali Sheekh oo ugu horrayn kulankaasi ka hadlay ayaa ka warbixiyey xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan biyo la’aanta wakhtigan soo food saartay gobolada Togdheer, Sanaag iyo Sool, waxaanu xusay in wakhtigan la gaadhay xilligii kulaylka ee Kaliisha, dadka deegaanadaas ku noolina ay u baahan yihiin gurmad deg deg ah, iyadoo baahida ugu darani ay tahay biyaha.

Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo isna kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in Xaaladda biyo la’aaneed ee ka taagan gobolada bariga Somaliland ay tahay mid u baahan in loo sameeyo gurmad deg deg ah oo ballaadhan.

Wasiirrada wasaaradaha deegaanka, qorshaynta iyo arrimaha gudaha oo iyaguna kulankaasi hadalo ka jeediyay, ayaa dhankooda sheegay inay dedaal ballaadhan ku bixin doonaan wixii kala gudboon, waxaanay hogo-tusaaleeyeen qaabka ugu fudud ee dadkaasi loogu gurman karo.

Qaar ka mid ah hay’addihii ka soo qeyb galay shirkaasi oo iyaguna dhankooda sheegay qorshayaasha waxtarka leh ee uga meel yaalla gurmadka loo samaynayo dadka ku nool Gobollada bariga Somaliland ee ay soo wajahday xaalada biyo la’aaneed, waxaanay isla goobtaasi kaga dhawaaqeen waxtarkooda ugu horreeya ee ay kaga qeyb qaadanayaan gurmadka deg dega ah.

Ugu danbayntiina waxaa shirkaasi ka hadlay madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) waxaanu daboolka ka qaaday qeylo dhaanta biyo la’aaneed ee gobolada Togdheer, Sool iyo Sanaag, waxaanu sheegay inay xukuumadda ka go’an tahay sidii biyo deg deg ah loo gaadhsiin lahaa dadkaasi, isaga oo ku dhawaaqay in hadda la dirayo booyado biyo ah islamarkaana ay sii wadi doonaan ka xukuumad ahaan gargaarka.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) waxaa uu baaq u diray hay’addaha caalamiga ah iyo kuwa Qaramada midoobay oo uu ugu baaqay inay deg deg uga soo jawaabaan baaqa qeylo dhaanta biyo la’aaneed ee gobolada bariga.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply