“Waxa La Garwaaqsaday in Somaliland ay Tahay dal jira oo Geeska Afrika ku Yaalla”

0
656

Hargaysa (Dawan):- Wasiirkii hore ee Wasaarada Caddaaladda Somaliland ee Xukuumadii Daahir Rayaale Kaahin Axmed Xasan Cali (Casoowe) ayaa sheegay in caalamku garwaaqsaday in Somaliland ay tahay dal jira oo indhaha aan laga qarsan karin.

Axmed Cali Casoowe ayaa intaa ku daray in beelaha gobolada Sool iyo Sanaag ay ahaayeen dadkii aadka ugu adkaa dib ula soo noqoshada madaxbannaanida Somaliland, isla markii ay ka qayb galeen shirkii ugu horreeyay ee beelaha Somaliland ku qabsadeen magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ee lagu go’aamiyay dib ula soo noqoshada madaxbannaanida Somaliland.

Casoowe oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa yidhi “Markii Burco lagaga dhawaaqay gooni isu taagga Somaliland beelaha gobolada bari ee Sool iyo Sanaag way ka qayb galeen, waliba dadkii aadka ugu adkaa ayay ka mid ahaayeen, ergadii ka timid Sool iyo Sanaag ayaa khasbayay in lagu dhawaaqo dib ula soo noqoshada madaxbanaanida Somaliland, qolada Punland ee isirka sheegaysa dadku isir way yihiin laakiin waa kala deegaan, deegaano ayaa la kala dagaa, in nabad la ahaado ayaa fiican, xuduudana waxa dhigay Ingiriiska”.

Casoowe waxa uu sheegay in aan indhaha laga qarsan karin Dawladanimada Somaliland, waxaanu yidhi “Arrimaha Raysal-wasaaraha Itoobiya ka bilaabay geeska Afrika waan soo dhawaynayaa ee is dhexgalka Hargaysa iyo Jigjiga, imika bilaa baasaaboor ayaa lagu tagaa. Somaliland Geeska Afrika ayay ku taallaa, waa dal jira indhahana lagama lalin karo, markaa ugu dambayn waxaa la qiray oo la garwaaqsaday in ay meel jirta tahay Somaliland oo Soomaaliya aanay xukumin, taasina waa ta keentay in weftigii Ereteriya in ay inoo yimaadaan.”.

Waxaanu intaa ku daray in Madaxweynaha Somaliland waxyaabaha badan ee uu qabtay iyo is bedelada uu ku tallaabsadayba in ay yihiin kuwo lagu diirsaday oo bulshadu soo dhaweysay, waxaanu yidhi. “Tallaabooyinkii uu qaaday madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waa la soo wada dhaweeyay, wax bandanna wuu saxay, waxa ugu yarina waxa weeye askartii dariiqyada la tubi jiray marka uu magaalada ka baxayo marka uu soo degayo, qoraxdii ayuu ka daayay, xaga maamulka iyo siyaasada isbadal ayaa yimi.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply