Wasiirkii Hore ee Madaxtooyada oo Qodobeeyay Guulaha Somaliland ugu Jira Isbedellada Geeska Afrika

0
568

Hargeysa (Dawan):- Wasiirkii hore ee madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa sheegay in Somaliland ay qaadday jidkii horumarka iyo aqoonsi helidda, kuwaas oo ay u martay xidhiidhada kala duwan ee ay dalalka caalamka, gaar ahaan saaxiibadda Somaliland ay la yeelatay.

Waxaanu intaa raaciyay in laba heshiis oo aad u qiimo badan in ay ahaayeen heshiiskii dekedda Berbera ee xukuumaddii hore ee madaxweyne Siilaanyo ay la gashay shirkadda DP. World iyo heshiiska Millatari ee isla xukuumaddaasi ay la gashay dalka Imaaraadka Carabta.

Waxa kale oo ka hadlay isbedelada ka socda Geeska Afrika oo uu sheegay in ay yihiin sagaal dal oo siddeed ka mid ahi ay aqoonsi haystaan iyo Somaliland oo ah dal xasiloon oo ka nabad gashay muran dalal badan oo geeska ah ka dhex taagan. Waxaa kale oo uu intaa raaciya in wabiga Niil iyo dalalka uu maro oo uu sheegay in muran aad u wayni in uu ka dhex taagan yahay wabiga oo ah ka qaarada Afrika ugu dheer, kaas oo mara 11 waddan oo 6 ka mid ahi ay ku yaallaan geeska Afrika.

Waxaanu intaa raaciyay muranada siyaasadeed ee ka dhex taagan dalal badan oo geeska Afrika ah iyo gacanka cadmeed.

Waxaanu intaa raaciyay in Somaliland ay ka badbaaday dhibaatooyinka iyo qalalaasaha ka jiray geeska Afrika, taa bedelkeedana ay ku tallaabsatay guulo waawayn oo wax ku ool ah oo ay dal ahaan wax ku qabsatay isla markaana dalkeeda dib ugu dhisatay, kuna walaalaysay bulshada Somaliland oo dhan.

Waxaa kale oo uu sheegay in Soomaaliya mar kasta ay cadaw ku ahayd Somaliland oo ay ka soo hor jeedday wax kasta oo u soo kordha, iskuna dayaysay in ay carqaladayso.

Kulankan oo lagaga hadlayey Khilaafka gacanka Cadmeed iyo isbadalada Geeska Afrika oo ay qabatay hay’adda CPA oo uu qudbad aad u dheer oo dhinacyo badan taabanaysa uu Maxuud Xaashi ka jeediyay ka dibna lagu waydiiyay su’aalo kala duwan, ayaa mar wax laga waydiiyay heshiiskii saldhigga Millatari ee Somaliland ay la gashay dawladda Imaaraadka Carabta iyo heshiiskii DP. World, oo dadka qaar sheegeen in lacag labada gole lagu mariyay, ayuu yidhi. “Horta dekedo badan oo geeska Afrika ah ayaa heshiisyo galay oo dawladaha dalalkooda heshiisyada ay gelayaan aanay wada meel marin oo xukuumadaha oo keliya ay ku koobnaayeen, heshiiska dekeda Berbera waa heshiiska keliya ee geeska Afrika deked ku taalla shirkad lala galay ee laba gole qaran la soo mariyay ee ay ansixiyeen.

Heshiiska saldhigana sidaas oo kale ayay labada gole baarlamaan u ansixiyeen, sideedabana arrinta ay labada gole baarlamaan ku kulmaan waa arrin aad u wayn oo masiiri ah, waxyaabaha ay ku kulmaan waxaaa kamid ah qudbad sannadeedka Madaxweynaha iyo arrimaha qaran ee waawayn, xataa muddo kordhinta Madaxweynaha iyo goleyaasha kuma kulmaan, markaa cidda leh lacag ayay xildhibaanadu qaateen oo ay ku ansixiyeen waa cid qarannimadeena caayaysa oo gef innaga gashay, waxaanay ka mid tahay hadalada cadawga Somaliland warbaahinta ay marsadaan. Laakiin heshiisyadaasi Somaliland waxay u ahaayeen guulo qaran oo taariikhi ah oo ay gaadhay, waana heshiisyo dawladnimadeena adkeeyay oo in aynu dawlad caalamka la macaamili karta nahay muujiyay, laakiin intaaba Soomaaliya oo cadaw innagu ah ayaa warar been ah innaga faafinaysay oo xaasid ku ahayd wax kasta oo inoo soo kordha.”

Mar uu bulshada reer Somaliland la dardaarmayay wuxuu yidhi. “Hadalka xun in aynu mar kasta ku dhegno ama ku cel celino maaha, hadalka xun aynu iska dayno oo u bedelno hadal wanaagsan oo fiican oo madaxda qarankana dhiiri gelin u ah oo madaxweynaha naasays wanaagsan aan ugu yeedhno oo dadnimdeena kor u qaadaysa, markaas ayaan wax noqonaynaa.”

“Madaxweynaha Qaranka Naanaysaha xun xun ka daaya, ‘handaraab iyo Qaful iyo waxaas ka daaya oo Magacyo Fiicfiican u bixiya,” ayuu yidhi Maxamuud Xaashi.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply