Somaliland oo Laga Dhagax Dhigay Wershad Sifeynaysa Baatroolka.

0
621

Berbera (Dawan) Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shalay dhagax dhigay wershad sifeyn-doonta baatroolka qaydhiin, kaas oo dalka dibediisa laga keeni doono, wershedaasi oo laga hir-gelin doono maagaladda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

Madaxda shirkadda Singapore New Silk oo ah shirkadda mashruucani maal-gashiganaysa ayaa madashii dhaxdhiga wershadini ka sheegay in ay awooda saari doonaan sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha Somaliland, gaar ahaan waddooyinka iyo korantadda.

Sidoo kale, waxa ay sheegeen in ay qayb ka qaadan doonaan shaqo abuurka dhalinyarada Jamhuuriyadda Somaliland, iyaga oo tilmaamay inay saddex boqol (300) oo ka mid ah dhalinyarada ku jirta shaqo qaran ay ka qaadan doonaan ka shirkad ahaan oo ay ka hawlgeli doonaan wershadooda.

Wasiirradda wasaaradaha ganacsiga, wershadaha iyo dalxiiska, Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), gaadiidka iyo horumarinta jidadka, Cabdillaahi Abokor Cismaan iyo wasaaradda shaqo gelinta, arrimaha Bulshadda iyo qoyska, Hinda Jaamac Xirsi Gaani oo ka hadlay madashaasi ayaa sheegay in mashruuca shirkadani ka mid yahay mashaariicda ugu waa weyn ee dalka ka socota.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), oo ka hadlaayay dhagax dhigga wershaddan lagu sifayn doono baatroolka, ee Berbera laga hirgalin doono ayaa yidhi “Waa ganacsi, oo iyaga laftoodu wax bay rabaan, hase ahaate maanta cida ugu baahi badani ee maalgashiga ugu baahi badani waa reer Somaliland, aad iyo aadna waanu u soo dhaweynayna dhab ahaantii, waxaa kale oo wax aan la ilaabi Karin ah, in maanta mashruucii ay isla dhagax dhigayaan islana bilaabayaan, qaybna ka siinayaan shaqadii ugu horeysay da’yarta reer Somaliland, inay halkan ka balanqaadeen saddex boqol oo qof, taasi oo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu ku hogaamiyo kana codsaday in dhalinyaradda halkaasi ku xeraysan ee 1500 ee ardaya, kuna soo baxay xulka ee aan ku iman gaar ee nasiib u siiyay inay ku soo kala baxaan imtixaankii loo galay barnaamijka shaqo qaran kaasi oo gobolkasta oo Somaliland ah ka dhacay, ka ogolaaday in laga caawiyo iyaguna ay ka ogolaadeen.”

“Waxaa nasiib wanaaga in maanta aynu helo sifeyntii badroolka, noqonana wadankii saddexaad ee Geeska Afrika ku yaalla, Illaahey ayaynu ugu mahad naqeynaa, in midi ay shaqeyso warshadaha midna socoto anaga Illaahey nasiib noo siiyo in tii saddexaad wadankayaga laga dhiso, waanu soo dhaweynaynaa, waanu idiin mahad celineynaa, waxaan bulshoweynta reer Somaliland ugu baaqaya inay soo dhaweyso” ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici.

Duqa magaalada Berbera mudane Cabdishakuur Maxamed Cidin oo isna goobtaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in mashruucani yahay mid qaarada Afrika ugub ku ah, waxaanu yidhi “Maanta mashruucani aynu furaynaa waa mid ugub ku ah wadankeena iyo Geeska Afrikaba, waana tuujinta shidaalka qaydhiin, oo dhab ahaantii aad iyo aad u ballaadhan, oo marka aynu cid kale dhaafno baahida koobaad cida u qabtaa aynu inaga nahay, bulshada reer Somaliland na waxaa aan leeyahay waa fursad qaaliya, dalkeenu waxaa uu u dhaqaaqay una hayaamay dhanka horumarka”.

Image may contain: 2 people, people smiling, people standing

Image may contain: 7 people, people smiling, people sittingImage may contain: 8 people, people smiling, people sittingImage may contain: 1 person, suitImage may contain: 10 people, people sittingImage may contain: 2 people, people sittingImage may contain: 1 person, smiling, standingImage may contain: 1 person, suitImage may contain: 5 people, people sittingImage may contain: 1 person, suit

Leave a Reply