Garyaqaanka Guud ee Somaliland oo ka Hadlay Xeerka Golayaasha Deegaanka

0
645

Hargeysa (Dawan) Gar-yaqaanka guud ee Somaliland, Cabdisamad Cumar Maal ayaa sheegay in soo jeedinta ah in Xasaanadda laga qaado xildhibaannada goleyaasha deegaanka aanay ka imanin xukuumadda, balse ay tahay aragti ka timid guddi hoosaadka arrimaha gudaha ee golaha wakiillada.

Sidoo kale waxaa uu xusay in laba mid uun xasaanada lagu heli karo, in madaxweynuhu uu qof xil wasiirnimo u magacaabo iyo iyada oo qofku uu ku yimaado doorasho.

Garyaqaanka guud ee qaranka Somaliland Cabdisamad Cumar Maal isaga oo ugu horreyn arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Qodobkaasi kuma jirin xeerkii ka tegay xukuumadda, marka koowaad xanaasadda waxa lagu helaa laba arrimood, ta koowaad in madaxweynuhu uu qof magacaabo, sida wasiir oo kale, wasiirkaasi xasaanad ayuu leeyahay intuu xilka hayo, waxa kale oo xasaanadda lagu helaa doorasho, markaa in xildhibaannadu leeyihiin xasaanad waxay ku jirtaa xeer lambar 23, laakiin annagu maanu odhanin ha laga qaado xasaanadda oo lama taabanin, sababta oo ah qofku xasaanadda wuxuu ku helayaa codka lagu doortay, laakiin aragtida ah in laga qaado waxay ahayd mid ka timid guddi hoosaadka arrimaha gudaha, laakiin qaadashadeeda iyo ka noqoshadeedu waxay u taallaa golaha wakiillada Somaliland.”

“Xeerku wuxuu dhisayaa qaab-dhismeed dhan oo la mid ah ka dawladda dhexe, muhiimadda uu leeyahayna waxa weeyaan in la caddeeyo shaqada maamul daadejinta ee adeegyada bulshada, lana caddeeyo dhaqaalaha dawladaha hoose inuu noqdo mid Daah-furan, oo cad oo miisaaniyadda dawladdaha hoose ay ka dhex muuqaato bajadka dawladaha dhexe, inay toos uga muuqato oo si duuduuba ayay bajadka dawladda dhexe ugu jirtaa” ayuu yidhi garyaqaanka guud ee qaranka Somaliland Cabdisamad Cumar Maal oo u waramayay telefiishanka HCTV.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply