Tababareyaal ka Tirsan Horyaalka FA Cupka oo Imanaya Somaliland

0
708

Berbera(Dawan):- Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Boos Mire Maxamed, ayaa sheegay in ay dalka imanayaan tababareyaal caalami ah oo ka tirsan horyaalka Ingiriiska gaar ahaan FA Cup-ka oo dalka u iman doona arrimo la xidhiidha tababarrada.

Waxaanu intaa ku daray In tababareyaashaasi aanay Somaliland ka doonayn wax mushahar ah waxa keliya ee ay uga baahan yihiinna ay tahay hurdo iyo nabad gelyo uun.

Waxa kale oo uu sheegay in loo baahan yahay in laga shaqaysiiyo tababareyaasha iyo garsooreyaasha reer Somaliland, si kor loogu qaado xirfadaha kala duwan ee ciyaaraha Somaliland.

Waxaanu sidaa ku sheegay mar uu shalay ka hadlayay furitaanka Garoonka kubbadda Cagta ee Berbera oo madaxweynaha Somaliland shalay si rasmi ah xadhiga uga jaray una furay.

Wasiirka oo hadal kooban munaasibaddii furitaanka garoonka ka jeediyay ayaa sheegay in Berbera markii hore ay dhibaato ka haysatay dhanka garsooreyaasha kubadda cagta laakiin hadda uu u soo baxay garsoore xirfadle ah iyo laba calanwale oo ah kuwa ugu wanaagsan dalka oo ku filan Berbera.

Wasiirka oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi. “manta (shalay) waxaan halkan ku furaynaa garoonkii kubadda cagta ee Berbera ee Cabdalle Stadeum oo madaxweynaha qaranku inoo furayo, waxaa kale oo aan halkan ka sheegayaa Berbera waxay dhibaato wayni ka haysatay dhanka garsoorka laakiin imika waxaa Berbera u soo baxay nin aad iyo aad loogu diirsaday oo xirfadle wayn ah oo lagaga nasanayo baahidii garsoor oo labadiisii calanwalena ay weheliyaan, waxaa kale oo aan ugu bushaaraynayaa dhammaan bulshada reer Somaliland waxaa inoo imanaya oo la inoo soo diray laba tababare oo ka tirsan FA CUP-ka waxaanan dib uga dhignay Ramadaanta waxaanay inoo imanayaan Juun wax mushahar ahna innoogama baahna waxa keliya ee ay innaga doonayaan waa halkii ay seexan lahaayeen iyo ammaankooda waanan soo dhawanaynaa.”

Waxaa kale oo uu ka hadlay tababareyaasha reer Somaliland ee ay xirfadda tababarenimo ay ku tababareen ee hadda jooga dalka ee aan shaqo haynin,waxaanu soo jeediyay in laga shaqaysiiyo tababareyaasha reer Somaliland ee wasaaraddu ay tababartay. “waxaa kale oo loo baahan yahay in aynu ka shaqaysiino tababareyaasheena maanta tatabareyaashii aanu tababarnay waxaa bilaa camal ah oo aan shaqayn 30 waxaanan u baahanahay in aynu kor u qaadno xirfadaha tababareyaasha iyo garsooreyaasha dalka.”

Ugu dambayn waxaa garoonka Cabdalle Stadeum si rasmi ah shalay u furay ka dib markii la dhammaystiray lana dhigay roogga cagaaran Madaxweynaha qaranka oo maalmihii u dambeeyay socdaal shaqo ku marayay gobolka Saaxil,waxaanu bahda ciyaara ee gobolka Saaxil uu kula dar daarmay madaxweyne Muuse in ay noqdaan kuwo safiiro u noqda Somaliland maadaama ay joogaan magaalo xeebeedka Berbera oo ah marin isku xidha Somaliland iyo dalalka aynu isaga gudubno dhanka Badda oo ay suuragal tahay in garoonka caalamiga ah ee la furay uu soo jiito ciyaartoy ka socda dalal kale oo booqasho ku yimaadda Somaliland isla markaana laga arko xadaaraddii lagu yaqaanay Berbera.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply