“Hargeysa Intay isu Tagto oo ay Dhaqaalaha Ururriso aynu Caqligeena iyo Muruqqeena Biyaha ku Joojino” Madaxweyne Muuse

0
625

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa bulsho waynta caasimadda Somaliland ee Hargeysa ugu baaqay hirgelinta tallaabo noloshooda u wanaagsan oo uu tilmaamay in ka dawlad ahaanna ay diyaar u yihiin in ay kaalintooda ka soo baxaan oo ay dhaqaalaha qayntooda ku soo hagaagta ay bixiyaan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in aanay dawlad ahaan hubin biyaha ku kaydsan deegaanka Geed-deeble ee laga waraabiyo magaalada Hargeysa, sidaa darteedna loo baahan yahay in reer Hargeysa isku tagaan oo ay Biyaha Roobka ee Badda galaya qabsadaan.

Waxaanu soo jeediyay in dadweynaha Hargeysi ay u baahan yihiin in ay isu geeyaan caqliga iyo cududda iyo maalkaba isla markaana la yimaadaan talo iyo qorshe ay caasimadda qaramku kaga baxdo biyo la’aank, isaga oo intaa ku daray in aanay suuragal ahayn in biyaha Geed Deeble oo aan la garanayn inta ay sii soconayaan in la isku haleeyo.

Madaxweynaha oo arrimahaa ka hadlayayna waxaa uu yidhi. “Macquul maaha, Hargeysa oo Milyan qof maraysa (Dadka ku nool) in Geed-deeble oo aan la ogayn biyaha ku jira, inta ay soo saartana aynu qasabado waa weyn u samaysanay, inta soconayaan garan mayno, markaa waa inaynu biyo badan qabsannaa oo aynu xooggeena ku tashanaa iyo xoolaheena”

Wxaanu intaa raaciyay madaxweyne Muuse “Hargeysa biyo way qabsan kartaa iyadoon cidna u qayshan, markaa haddaanu madaxdii nahay waxaanu codsanaynaa aynu isugu tagno, tilmaantaa aynu qaadano, weliba mushtamaca Hargeysa deggani ha hoggaamiyaan.”

Mar uu ka hadlayay sida ay diyaarka ugu yihiin in bulsho ahaan in ay reer Hargeysa u tasahdaan oo ay iyagu arrinta maareeyaan waxa uu yidhi. “Shaki baa laga qabaa dawladaha oo waxbay halleeyaan baa la is yidhaahdaaye, Hargeysa intay isu tagto oo ay dhaqaalaha ururriso oo ay ta dawladdana ku darto, dadkii aqoonta lahaana aynu keeno aynu caqligeena iyo muruqqeena aynu biyaha ku joojino.”

Ugu dambayn wuxuu madaxweyne Muuse wax laga xishoodo ku tilmaamay in maalin kasta loo qayshado hay’addo qaadhaanka ay bixiyaan kaniisado laga soo uruuriyo oo sadaqad kaniisadeed in dad Muslim ahi u baryo tagaan, waxaanu yidhi. “Hay’adahoow na soo gaadha waxba tari mayso, waa Dad inala mid ah oo aynaan isku Diin ahayn, Xoolaha aynu qaadano ee Sadaqada ah waxa laga soo ururriyaa Kaniisado, Ilaahayna Gaalo barya inama odhanin, inaga oo Caqligeena qabna.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply