Roobab Lagu Diirsaday oo ka Da’ay Gobolada Sool iyo Xaysimo

0
833

Hargeysa (Dawan):- Roobab lagu diirsaday ayaa ka da’ay deegaano ka tirsan gobolada Sool iyo Xaysimo oo ay ka jirtay abaar baahsan iyo biyo la’aan taabatay nolosha dad iyo duunyo.

Raxmaad ALLE ee ka da’ay deegaanada ka tirsan gobolada Sool iyo Xaysimo ayay dadka deegaanku aad ugu diirsadeen, isla markaana ku shugri naqeen nimcada ALLE siiyo iyo roobka guga ee u curtay oo ah deeq aanay cid aan ALLE ahayni bixin karin.

Deegaanada labada gobol ee roobabka gugu ka curteen, ayaa kala ah

Degmada Xudun, kulaal, Sarmaanyo, waxaro ciyaarshe, Awr-boogays, holhol, carrooley, godaalo, iyo nawaaxiga magaalada Taleex, sida ay waxgaradka deegaanadaasi u xaqiijiyeen wargayska Dawan oo xidhiidh la sameeyay.

Waxaa kale oo ay waxgaradka deegaanku ku dheeraadeen sida loogu baahan yahay in markasta lagu noolaado ALLE ka cabsi iyo is cafin si looga boxo abaaraha soo noq noqday oo la xusuusnaado cabsid ALLE, waxaanay ugu baaqeen guud ahaan bulshada deegaanka in la is cafiyo oo la is wada saamaxo oo wlaalnimada iyo wada dhalashada wax kasta laga horraysiiyo.

Waxaa kale oo ay ka hadleen dhibaato ba’an oo deegaanadaas ay ku hayaan dad dhuxulaysato ah oo dhirtii gumadaya oo ay sheegeen in ay si wayn uga hor tageen isla markaana ay iska kaashadeen bulshada qaybaheeda kala duwan iyo madaxda wasaaradda deegaanka ee heer degmooyin iyo gobol.

Waxaanay intaa raaciyeen in lagala shaqeeyo gurmadka ay ugu jiraan dhir badbaadinta iyo ka hor tagga dhul xaalufinta deegaanka ee lagula dagaalamayo dhuxulaysiga.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply