“Somaliland Waxay Noqonaysaa Dalkii Saddexaad ee Qaarada Afrika Shidaal Lagu Sifeeyo” Wasiirka Maalgashiga

0
1089

Hargeysa (Dawan):- Wasiirka wasaaradda Horumarinta Maalgashiga Maxamed Axmed Cawad, ayaa sheegay in dalka Somaliland uu noqonayo dalkii saddexaad ee shidaal lagu sifeeyo ee ku yaalla qaaradda Afrika.

Waxaa kale oo uu faah faahin ka bixiyay heshiiska maalgashi ee wershada shidaalka sifaynaysa ugu jirta Somaliland, waxaanu sheegay in dalka Somaliland uu waddanka Shiinaha u dirayo sadex boqol oo dhallinyaro ah oo wax lagu soo bari doono isla markaana loo samayn doono shaqo abuur iyo maalgashi.

Wasiirka oo socdaal shaqo ku maraya dalal ka mid ah qaarada Yurub oo u warramay BBC-Somali, ayaa yidhi. “Kollay markay dawladi heshiis maalgashi gasho waa mid horumar u leh dalkeeda oo sh shaqo abuur, waxaa kale oo Somaliland faa’iido ay ugu jirtaa maalgashiga oo marka dal shidaal lagu sifaynayo waxaa ku jira shaqooyin badan oo kala duwan, waxaana jira in lagu hawlan yahay in dalka shidaal laga soo saaro taas ayaanan usii weel tolanaynaa. waxaa kale oo jira dalal aan shidaal soo saarin oo shidaalka lagu sifeeyo, waxaana taa Somaliland u saamaxaya ammaankeeda iyo mandaqada ay ku taallo oo ah marin caalamka muhiim u ah, waxaanan noqonaynaa dalkii sadexaad ee shidaal lagu sifeeyo ee ku yaalla qaaradda Afrika.”

Wasiirka oo ka hadlayay dhallinyaro reer Somaliland ah oo dalka Shiinaha loo gaynayo tababarro xirfadeed isla markaana shaqo abuur loo samayn doono,ayaa yidhi. “Waxaa kale oo jira in dhallinyaro badan oo reer Somaliland ah oo sadex boqol ah in dalka Shiinaha loo geyn doono tababarro xirfadeed oo dhanka hal abuurka ah waayo? Imika aqoonta dalka taalla waxay u badan tahay ta maaraynta iyo maamulka waxaana aad u yar waxbarashada farsamada gacanta markaa dhallinyarada loo qaadayo dalka shiinaha waxaa la soo barayaa shaqooyinka kala duwan ee farsamada gacanta iyo sida looga shaqeeyo wershadaha waxaa kale oo heshiisyada noocan ahi ay Somaliland ka faa’iidaysaa in ay aqoon kala hadhaan dhallinyarada reer Somaliland xirfadleyaasha ajaanibka ah ee ku shaqaynaya wershadaha waxaa kale oo Somaliland ay dhiiri gelinaysaa maalgashiyada caalamiga ah ee dalkeeda iyo dadkeeda faa’iidada u leh.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply