WEEDHA WARGEYSKA Doolarkii Hoos u Dhacye ee Weli Maceeshaddu Waa Halkeedii

0
651

Tan iyo markay xilka hoggaaminta dalka ay qabatay xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxay diiradda saareen siday kor ugu qaadi lahaayeen qiimaha Shillinka Somaliland oo si aan xad lahayn hoos usii socday xagga qiimaha seyladaha lacagta, iyadoo aanay ganacsatada waagu ugu baryi jirin lacagta lagaga iibsado badeecadahooda.

Geesta kale, waxa barbar socday sicir-barar dhinaca maceeshadda ah oo subax kasta sare usii socday waqtigii ay Xukuumaddani la wareegtay oo ku beegneyd dabayaaqadii 2018kii, waxayna si xoog leh u sii saameeyey sicir-bararka maceeshaddu dadka dan-yarta ah iyo shaqaalaha dawladda oo waxba u jari waayey shillinka Somaliland oo ah ka mushaharooyinka loo siiyo.

Run ahaan markii hore rajo wanaagsan lagama qaban in Xukuumadda cusub ee xilka lagu wareejiyey ay soo nooleyn karto qiimiha shillinka Somaliland, haseyeeshee taasi waa beenowday kadib markay dhinacii Maamulka iyo nidaamkii hore ee Zaad-ku hore ugu shaqeyn jiray xagga adeegga lacagta ku sameysay isbeddello kala duwan.

Waxa sidoo kale Baanka Dhexe loo magacaabay dad khibrad u leh hawlaha Bangiyada iyo dhaqdhaqaaqyada seyladaha lacagta, sidoo kalena shirkadaha gacanta ku haya adeegyada kala duwan ee Zaad-ka ee Mobillada, ayaa iyana kulano ay wada yeesheen xubno ka socday Wasaaradda Maaliyadda ku soo gebagebowday in xidhiidh wada shaqeyn buuxda la yeeshaan Mdaxda Sare ee Baanka Dhexe ee JSL, gaar ahaana dhinaca suuqa sarrifka lacagaha.

Tallaabooyinkan waxa markiiba ka dhashay isbeddel isa soo tarayey maalinba maalinta ka sii dembeysa, iyadoo uu qiimaha shillinka Somaliland ka joogay seyladaha lacagta halkii dollar illaa 11,000 Shillin xilligii ay Xukuumaddani xilka la wareegtay. Haddaba dadaallo illaa hadda socda oo si wada jira uga hawlgaleen Baanka Dhexe iyo Xukuumaddu, waxa uu suurtageliyey in kor uu soo kaco qiimaha shillinka Somaliland xagga suuqyada lacagaha lagu kala beddesho, waxanu maanta [17 Abriil 2019] qiimaha halka dollar marka lagu beddelanayo shillinka Somaliland ka joogaa seyladaha sarrifka lacagaha ee dalka 8,500 Shillin Somaliland.

Kor u kaca qiimaha shillinka Somaliland, waxa u sababa laba arrimood oo ta hore tahay Baanka Dhexe oo dib u habeyn ballaadhan ku sameeyey habka nidaamyada maamul ee shaqooyinkiisa kala duwan ee gudaha iyo dibeddaba, gaar ahaana xidhiidho Baananka dunida, mida kalena waa tallaabo geesinimo leh oo ay ku dhiiratay Xukuumadda Somaliland, taasoo ah inay si aad ah uga shaqeysay xakameynta dhammaan kharashyada aan loo baahneyn, si looga yareeyo lacagta shillinka Somaliland ee gelaysa suuqyada lacagta.

Waxa xakameynta kharashaadka aan loo baahneyn si aad ah looga dareemay dhaqdhaqaaqii suuqyada waxlagu kala iibsado ee magaalooyinka JSL, taasoo ay si qalloocan ugu tarjumeen shacbiga afmiishaarro siyaabo kala duwan uga dhaameeleysan jiray Xukuumadihii hore, haseyeeshee markay tan maanta talada dalka haysay ka xidhatay albaabada ay ka faafiyeen dacaayado raqiis ah, waayo cid kasta oo u ummadda hantideeda u xafiddaa ma mudna ammaan mooyee wax kale oo laga sheego.

Maanta waxa ay diiradda shacbiga iyo Xukuumadduba ku jahaysan yihiin Ganacsatada reer Somaliland oo illaa hadda weli ku hayey badeecadahooda, siiba ta maceeshadda oo qiimaheeda aanay xataa hal shillin ka dhimin badeecadahooda kala duwan ee ay ugu horreeyaan kuwa la quuto, iyadoo ay arkayaan maalin walba isbeddelka ku yimi qiimaha dhinaca isku sarrifka Dollarka iyo shillinka Somaliland.

Lama aqbali karo in dadaalka Xukuumadda ee ku wajahan la dagaallanka sarrif-bararka iyo sicir-bararka ay ganacsatadu dhegaha ka fureystaan, isla markaana ka dhigaan hal bacaad lagu lisay dhammaan dadaallada la soo sameeyey, iyadoo ujeeddadoodu tahay inay fashiliyaan barnaamijkan oo ka mid ahaa ballanqaadyadii Xukuumadda ee xilligii ololaha doorashada, si ay weligood tunka ugaga fadhiyaan shacbiga reer Somaliland, una helaan mar kasta macaash toban jibbaaran.

Xukuumaddu ma mooga inaan weli shacbiga waxba ka gaadhin dadaalka ay u gashay sidii ay shacbigu u heli lahaayeen maceeshad ka jaban tii hore, ishana waa lagu hayaa in ganacsatadu aanay qiimaha badeecadaha quutal-daruurigu waxba ka dhimin halkoodii hore, welina ku hayaan qiimaha maceeshadda halkii ay taagnaayeen dhammaadkii Nov 2018kii.

Waxanu leenahay ganacsatada, waxa wax walba idiinka faa’iido badan inaad mar walba xagga EEBBE u noqotaan oo aad hoos u eegtaan shacbigiina oo sannad iyo badh kahor, hadduu qiimaha sarrifka ee halka dollar ahaa 11,000 shillin, maantana uu yahay 8,500 Shillin aad qiimaha hoos u dhigtaan oo ku saleysaan maceeshadda halka uu taagan hadda shillinka Somaliland, maadaama farqiga u dhaxeeyaa yahay kaa sida cad u muuqda ee idin horyaal, WA BILLAAHI TAWFIIQ.

Dawannews Hargeysa office

 

 

Leave a Reply