Wasiirka Xannaanada Xoolaha oo Hargeysa Lagu Soo Dhaweeyay

0
834

Hargaysa (Dawan):- Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo horumarinta Kaluumaysiga Somaliland Xasan Maxamed Cali Xasan Gaafaadhi ayaa dalka dib ugu soo noqday ka dib markii uu soo dhammaystay safar caafimaad oo uu dibedda ugu maqnaa.

Xasan Maxamed Cali oo shalay ka soo degay garoonka Cigaal International ee magaalada Hargaysa, ayaa waxaa si wayn dalka ugu soo dhaweeyay, wasiirro, xildhibaano, madaxda waaxyaha kala duwan ee wasaaraddiisa iyo dadweyne kale oo dhammaantood wasiirka ku qaabilay madaarka caalamiga ah ee Cigaal.

Wasiirka wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Boos Mire Maxamed, wasiir ku xigeenka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Yurub Abiib Cabdi iyo Agaasimaha guud ee wasaarada xanaanada xoolaha Cali Xuseen Nuur, xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada iyo guddoomiyaha gobolka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali, ayaa ka mid ahaa madax iyo dadweyne wasiirka soo dhawayntiisa ka qayb qaatay.

Wasiir Gaafaadhi oo ugu horrayn ka hadlayay xaaladdiisa caafimaad isla markaana u mahad naqay madaxda iyo dadweynaha kala duwan ee soo dhaweeyay, ayaa yidhi “ALLE ayaa mahadleh oo iga caafiyay xanuunkii i haleelay dadka isoo dhaweeyay ee ila qaybsaday dareenka xanuunka waan idiin mahadnaqayaa, waxa kale oo aan u mahadnaqayaa dadkii gurmadka ka galay markii aan xanuunsaday taas oo suurta galisay in aan helo dariiq aan dhakhtar ku gaadho oo degdeg ah maanta (shala) caafimaad kaygu waa taam.”.

Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Boos Mire Maxamed oo ka hadlayay soo dhawaynta wasiirka socdaalka caafimaad ka soo noqday, ayaa yidhi “Waxa aanu ku leenahay ku soo dhawoow adigoo caafimaad qaba dadkaagii ayaa ku soo dhawaynaya oo kuu yimi wasiir ALLE ayaa mahadleh oo inoo soo celiyay wasiirkii oo caafimaad qaba.”

Wasiir ku xigeenka wasaarada horumarinta xanaanada xoolaha iyo kaluumaysiga Yurub Abiib Cabdi ayaa si gaar ah ugu mahad naqday dadkii ka qyb qaatay soo dhawaynta wasiirka, waxaanay tidhi. “Waxaan soo dhawaynayaa wasiirka xannaanada xoolaha oo caafimaad qab ku soo noqday Xaalad caafimaad ayuu dibedda ugu maqnaa waxaanan uga mahadnaqayaa dadkan soo dhaweeyay”.

Waxaa kale oo soo dhawaynta wasiirka ka hadlay Xildhibaan Ibraahim Jaamac Rayte, waxaanu yidhi “Waxaanu ku leenahay wasiir soo dhawoow waxaan markhaati kuugu filan sida dadku qalbiga kuugu hayaan sidaa laguu soo dhaweeyay, sidaas ayaanan u wada shaqaynaynaa wasiir.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply