Guddi Ka Tirsan Golaha Guurtidda Oo Kulamo La Yeeshay Masuuliyiinta Dawladda ee Gabiley

0
594

Gabiley (Dawan): Golaha Guurtidda Somaliland ayaa gudi xog ogaal u noqoshada xaalada dalka ah u kala diray gobolada Galbeedka iyo bariga Somaliland, kuwaasoo dhan 30-xubnood, oo kala ah 28 xildhibaan iyo laba xughaymood.

Guddidii loo diray gobolada Galbeedka Somaliland oo kormeerkoodii ugu horeeyay ka bilaabay gobolka Gabiley iyo degmooyinka hoos yimadda ayaa shalay kulan la qaatay laamaha kala duwan ee dawlada ee degmadda Gabiley.

Kulankaasoo ahaa mid ay warbaahintu dibad joog ka ahayd ayaa markii uu soo dhammaaday waxaa warbaahinta la hadlay wixii ay ka wada hadleen gudoomiyaha gudidaasi Axmed Daaahir Jirde, oo sheegay in ay ka heleen warbixin kooban oo cilmiyaysan.

Axmed Daahir Jirde, gudoomiyaha gudida golaha Guurtida ee galbeedka Somaliland oo isna goobtaasi ka hadlay.

Waxaanu yidhi “Masuuliyiintaasi aad iyo aad ayaau ugu mahad naqaynaa waxaanay noo sheegeen wixii jiray, warbixin kooban oo cilmiyaysan.

Golaha Guurtidu waxaa uu kala baxay laba qaybood, qaybtii bariga iyo qaybtii galbeedka, kormeerkayagii koobaad-na waxaanu ka bilawnay gobolka Gabiley.

Si fiican baanu noogu dhammaaday shalay (doraad) waxaanu u gudubnay degmadda Tog-wajaale oo iyadda laf ahaanteeda aanu soo indha indhaynay, maanta (shalay) ahaan waxaanu soo af-meernay kormeerkii nooga socday gobolka Gabiley, waxaananu uga gudbaynaa gobolka Awdal”.

Idil Ibraahin Axmed, oo ah isu duwaha wasaaradda shaqo-gelinta iyo arrimaha bulshada ee gobolka Gabiley oo iyaddna halkaasi hadal kooban ka jeedisay ayaa tidhi “Maanta (shalay) oo Arbaco ah waxaa nagu soo booqday xarunta wasaaraddu ku leedahay gobolka Gabiley xildhibaano ka mida golaha Guurtida oo u socday xog ogaal u noqoshada hawlaha shaqo ee hay’addaha dawladda”.

“Waxaa halkan noogu yimid gudi xildhibaano ah oo ka socotay golaha guurtidda Somaliland, isaga oo u socday xog ogaal u noqoshada xaalada dalka, mid dhaqaale, mid nabadgeliyo dhammaan wixii jiraba, sidaasi darteed waxaa ay nagu soo booqdeen xarunta gobolka Gabiley.

Kaasoo ujeedada ay noogu yimaadeena ay aheyd xog wareysi ay wareysanayeen isu-duwayaasha gobolka iyo xarumaha hay’adda dawladda ee kala duwan”Ayuu yidhi mid ka mida masuuliyiinta hay’addaah dawladda ee degmadda Gabiley.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply