Xildhibaan Xukuumadda Ku Bogaadiyay Hoos u Dhaca Qiimaha Doolarka

0
783

Hargaysa (Dawan):- Xildhibaan Dayib Xasan Axmed oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa xukuumadda ku bogaadiyay sida ay hoos ugu dhigtay qiimaha Dollarka, isla markaana ay u soo noolaysay qiimaha shillinka Somaliland oo kor u kacay.

Waxaa kale oo uu xildhubaanku u soo jeediyay ganacsadata reer Somaliland in aanay taagnaan halkoodii hore oo aanay qiimihii hore ee doolarku uu kacsanaa aanay dadka wax kaga iibin ee ay ku saleeyaan hadba halka uu marayo qiimaha isku bedelka Doolarka iyo shillinka Somaliland.

“Waxa aan leeyay madaxweyne dadku mucaarad iyo muxaafid xaq ayay kugu wada leeyihiin sida aad xaqoogii u muujinayso aad iyo aad ayaan kuugu hambalyaynayaa madaxweyne, Wadanka sicir barar aad u daran ayaa ka dhacay, dedaalka ay xukuumaddu dedaalayso ayuu hoos ugu dhacay sarifka doolarka. markaa sidaa ay ugu dedaalayso xukuumaddu waxa loo baahanyahay oo aan usoo jeedinayaa ganacsatada in aanay taagnaan halkii hore ee uu sarifka doolarku marayay, askarteenu shilinka Somaliland ayay qaataan, dadka intiisa badani baahi badan ayaa haysa, markaa ganacsatadu waa in ay dadka u naxariistaan. ganacsatada intaan gacanta lala soo galin iyadoo la tixgalinayo ayaa la dhawrayaa gacsatada in waajibkooda laga guto xukuumadda ayay u taallaa”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply