Duqa Caasimadda oo Amar ku Soo Rogay Xoolaha Magaalada Dhexdeeda lagu Dhaqdo

0
619

Hargeysa (Dawan) Duqa caasimada Hargeysa mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) ayaa kormeer ku tagey goob loo diyaariyay in lagu xareeyo xoolaha laga soo urruriyay suuqyadda, iyo xaafadaha gudaha magaalada Hargeysa.

Duqa caasimadu waxaa uu bulshaweynta reer Hargeysa ugu baaqay in ay xoolahooda kala baxaan magaalada, islamarkaana neefkii la soo qabtaa aanu dib ugu soo noqon doonin.

Sidoo kale waxa uu xusay in xoolahani ay geyn-doonaan mashruuca banka Togwajaale, intaasi kadibna ay u qali doonaan ciidamada iyo cisbitaaladda.

Duqa caasimada Hargeysa mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) isaga oo ugu horreyn arrimahaasi si faahfaahsan uga hadlaya waxaa uu yidhi “Shacabka caasimadda waxaa aanu ku wargelineynaa maadaama aanu muddo dheer ku bixiney digniin in xoolaha lagala baxo magaalada, balse dadweynuhu ay ka dhaga adeygeen, dufcadii koowaad ee Adhiya iyo Geel ah oo halkan ku xareysan markii aanu dib u tashaney maanta waxaa aanu isla qaadaney in aanu ganaax uga dhigno, maalinta berri ahna sideeda degmo gudoomiyeyaashooda iyo waaxda arrimaha bulshaduba waxaa ay ku amran yihiin in neef allaale iyo neefkii ay arkaan, koone kasta oo uu magaalada ka joogo ay soo qaybtaan, kii ay soo qabtaana noqon maayo, neef la ganaaxayo maaha mid la celinaayo maaha, neefafkaasi waxaa weeyaan sidaasi ayay howshoodu ku dhammaatay”

Dhanka kale duqa caasimada mudane Cabdiraxmaan Soltelco waxaa uu sheegay in ay neefkii ay qabtaan ay geyn doonaan mashruuca banka Wajaale, intaasi kadibna ay u qali doonaan ciidamada iyo cisbitaalada waxaanu yidhi “Waxaan leeyahay bulshaweynta reer Hargeysa xoolihiina kala baxa magaalada, hadii aad taqaaneen balantu marka ay dhacdo inay dib u dhacdo maanta dib u dhicimeyso, waana go’aan, waxaan idiin sheegaya in olole joogta ah aanu sidaasi kaga geleyno, waxaan leeyahay imikaba qofkii xoolihiisa ku siidaya magaaladow, waxaad u aqoonsata in neefkaasi sidaasi uu kaaga baxay in aanu kugu soo noqoneyn, waana ka mamnuuc magaalada gudaheeda, neef dhex soconaya gudaha magaalada lama ogola, Adhi, Geel, iyo Lo, talaabada aanu ka qaadeynaana waxaa weeyaan in aanu geyno mashruuca banka Wajaale, intaasi kadibna aanu u qalo ciidamada iyo cisbitaaladda”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply