Wasiirka Waxbarashada oo Shaacisay Xiliga la Qabanayo Imtixaanka Shahaadiga ah

0
982

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland mudane Cismaan Jaamac Aadan ayaa shaaca ka qaaday in 15/6/2019 la gali doono imtixaankii shahaadiga ahaa ee fasalada afraad iyo sideedaad.

Sidoo kale waxaa uu xusay in la soo dhajin doono natiijadda imtixaankaasi 15/8/2019-ka ee sanadkani, waxaanu sidan ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland mudane Cismaan Jaamac Aadan isaga oo ugu horeyn ka hadlaya wakhtiga loo mudeeyay in imtixaanka shahaadiga ah la galo waxaa uu yidhi “15-ka June sanadkan hadda aynu ku gudo-jirno ayaa imtixaanadii shahaadiga ahaa ee ee fasalada siddeedaad iyo afraad ay bilaabmayaan, 15-ka bisha siddeedaad ee soo socotana waxaa la shaacin doona ama lagu dhawaaqi doonaa natiijadda imtixaanadka fasalada afraad ee dugsiyada sare iyo fasalada siddeedaad ee dhugsiyada dhexe waxaa ay noqdeen.”

“Sannadka cusub ee waxbarashada waxaa uu bilaabmayaa bisha 10/8/2019-ka bilowga teeramka labaad waxaa uu noqon doonaa, fasaxyadda Xagaagu waa isku mid sanadkan iyo kii horeba iyo ka danbeba, isku mid ayay noqonayaan, waxaa weeyaan 13-ka June ilaa 9-ka bisha siddeedaad, ayaa fasaxa Xagaaga ee sanadkan iyo ka danbeba ay noqon doonaan” ayuu yidhi wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland mudane Cismaan Jaamac Aadan.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply