Wasiirka Beeraha oo Xadhiga ka Jaray Seddex Kinaal oo laga Bineeyay Deegaanka Beer

0
559

Burco (Dawan)-  Wasiirka Wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, ayaa xadhiga ka jaray saddex Kanaal oo laga hirgeliyay deegaanka Beer ee duleedka magaalada Burco, kiinaaladaas oo loogu talo galay inay biyaha u soo duwaan wax-soo-saarka wasaaraddu ka hirgalin doonto inta lagu jiro xili roobaadka.

Munaasibad ballaadhan oo ay ka qayb galeen wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha, Mudane Axmed Muumin Seed, wasiirka xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, wasiirka wasaaradda tamarta iyo macdanta iyo madax ka socotay Hay’adda FAO.

Munaasibadda Kiinaalada xadhiga laga jaray, ayaa waxaa kale oo lagu wareejiyay dadweynaha deegaanka Beer Cagafyo cusub oo wasaaraddu dhawaan kala wareegyay Hay’adda FAO.

Wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland, Mudane Axemd Muumin Seed ugu horeyn hadal kooban goobtaa ka jeediyay, ayaa yidhi “Dhab ahaantii saddexda Kanaal ee Janaale, waa mashruucii ugu balaadhnaa ee ka qabsooma deegaankan Beer, Maaxato iyo Odaya-xun, saddexdaba maanta(shalay) ayaynu xadhiga ka jarney, waxaana loo baahan yahay inaad ka faa’iideysataan, waxaana iyana ILLAAHAY mahadiya, runtii inaad heshaan Cagafyadda shiraacan, ee waliba buudhiguna uu la socdo, taana waxaad ku hesheen waxaa weeye waa dedaalka aad sameyseen”

Wasiir Muumin mar uu si gaara ula hadlayay dadweynaha deegaanka Beer waxaa uu yidhi “Maalinba meel ayaanu soo mareynay maanta waxaaynu ka wada hadleyna inaynu gaadhno caalamku halka uu marayo, oo ah in wax aynu cuno aynu la soo baxno, oo aynaan adduunka kale waxba ka sugin halkaasi ayay Somaliland maanta mareysa”

 

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply