Munaasibadda 18-ka May oo Laga Xusayo Dalka Canada

0
482

Edmonton (Dawan):- Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Canada Luul Axmed Cismaan, ayaa sheegtay in dabaaldegii maalinta Qaranimada Somalialnd ee 18 May ee ugu horreeyey ay ku qabteen magaalada Edmonton, kuwo kalena xigi doonaan.

Sida lagu baahiyey shalay wargeys ka soo baxa magaalada Edmonton ee dalka Canada, ayaa lagu sheegay in xaflad loogu dabaaldegayo sannadguurada 28aad ee madaxtinnimada Somaliland oo dadweyne boqolaal gaadhayaa qabsadeen ka dhacday fagaaraha Edmonton.

Munaasibada madaxbanaanida Somaliland, ayaa martidii xaflada ka soo qeybgashay oo badi sitay calanka Somaliland ee midabada Casaanka, Cagaarka iyo Cadaanka, ay ku maamusayeen maalintan.

“Dhammaan waanu ku faraxsan nahay in dalkan quruxda badan ee Kanada nala wadaago dhaqankayaga,” ayuu sheegay Maxamed.

Safiirka Somaliland u qaabilsan dalka Kanada, Luul Axmed oo weriye Maxamuud Walaaleye, oo wargeyska Dawan ka tirsan, khadka telefoonka kula xidhiidhay ayaa sheegay in xaflado kale ka dhici doonaan dalka Kanada.

“Xafladii koowaad ee u dabaaldega sannadguurada 28aad ee 18 May, waxay ka dhacday magaalada Edmonton, 27 April waxay ka dhici doontaa Ottawa, halka 3-da May lagu qaban doono Toronto, insha alaah.” ayey sheegtay safiir Luul.

Xafladaha Edmonton oo loo soo horumariyey bisha Ramadaan awgeed oo jaaliyada dalka Kanada iyo Safiirka JSL ee dalka Luul Axmed iskaashanaya qabsadeen ayaa noqonaysa xafladii ugu horeysay ee caalamka sannadkan ka dhacda oo lagu xuso sannadguuradii 28aad ee maalinta qarannimada Somaliland 18 May, halka mudooyinka soo socda la saadaalinayo in meelo badan oo caalamka ka tirsan iyo guud ahaan Jamhuuriyadda Somaliland ka dhici doonaa xaflado la mid ah.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply