Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Shacabka Iyo Dawladda Jabouti Ka Tacsiyadeeyey Geerida Ku Timid Alle Ha U Naxariistee Marxuum Almis Maxamuud Xayd

0
484

Hargeysa(Dawan)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Ayaa Shacabka Iyo Dawladda Jabouti Ka Tacsiyadeeyey Geerida Ku Timid Alle Ha U Naxariistee Marxuum Almis Maxamuud Xayd

 

TACSI MADAXWEYNE: 05/05/2019
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada, asxaabta iyo shacbiga Jamhuuriyadda Jabuuti, ee uu ka baxay alle ha u naxariistee Marxuum Almis Maxamuud Xayd oo ku geeriyooday maanta dalka Faransiiska. Waxaanu Madaxweynuhu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaasi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti iyo qoyska reer Maxamuud Xayd.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo qoyska, qaraabada, ehelada, asxaabta iyo shacbiga Jamhuuriyadda Jabuuti, ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Leave a Reply