Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Hadhimo-Sharafeed Ku Maamuusay Madaxweynihii Ee Neyjeeriya Oo Dalka Booqasho Ku Yimi +Sawiro.

0
531

Hargeysa(Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta hadhimo-sharafeed Ku maamuusay madaxweynihii hore ee dalka Neyjeeriya Olusegun Obasanjo oo booqasho rasmi ah ku yimi Somaliland.

Hadhimo-sharafeeddan uu madaxweynuhu u sameeyey madaxweynihii hore ee dalka Neyjeeriya oo ay ka qaybgaleen shir-guddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada, madaxda axsaabta qaranka, saddexdii madaxweyne-ku-xigeen ee Somaliland soo maray, wasiirro iyo haldoor kale oo reer Somaliland ah, ayaa ahayd mid lagu sharfayey madaxweynaha hore ee Neyjeeriya Olusegun Obasanjo ee dalka booqasho rasmi ah ku jooga, waxana halkaas laga jeediyey hadallo loogu mahadnaqay, islamarkaana lagu sharraxay horumarka ay Jamhuuriyadda Somaliland gaadhay.

Wasiirka wasaaradda horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire oo madasha hadallo kooban ka jeediyey, ayaa si weyn ugu mahadnaqay madaxweynaha hore ee dalka Neyjeeriya , Mr. Olusegun Obasanjo booqashada uu dalka ku yimi, waxana uu ka sheekeeyey marxaladihii kala duwanaa ee ay Somaliland soo martay, horumarka ay ku tallaabsatay iyo hiigsiga fog ee ay leedahay.

Madaxweynihii hore ee dalka Neyjeeriya, ahna guddoomiyaha Hay’adda Brenthurst Foundation oo waddamada qaaradda Afrika ka caawisa arrimaha la xidhiidha dhaqaalaha oo goobta hadal ka jeediyey, ayaa si weyn uga mahadnaqay horumarka ay Somaliland ku tallaabsatay iyo midnimada ka muuqata qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Madaxweyne Obasanjo, waxa uu sidoo kale sheegay in sababta uu Somaliland u yimi salka ku hayso sidii uu wax badan uga ogaan lahaa xaaladda dhabta ah ee halkan ka jirta, isaga oo shacabka Somaliland iyo xukuumaddoodana ugu baaqay inay sii adkeeyaan xasilloonida iyo horumarka ay ku tallaabsadeen, waxana uu yidhi, “Waxannu halkan u nimi inaan aragno oo indho indhayno oo aannu dhegaysanno, ilaa imikana waxannu aragnay waxyaabo waaweyn oo aad qabsateen, waxad haysataan nabad, ammaan iyo horumar, waxana aan idinku dhiirrigelinayaa inaad sii joogtaysaan.”

Madaxweyne Obasanjo oo maanta kasoo degay garoonka Cigaal International ee magaalada Hargeysa, kuna soo dhaweeyeen madaxweyne ku xigeenka Somaliland, xubno ka mida golaha wasiirada, maayarka caasimada, gudoomiyaha xisbiga UCID iyo masuuliyiin kale ayaa sidoo kale booqasho ku tegya xarumaha golaha wakiillada iyo maxkamadda sare, waxana uu halkaas kulamo kula qaatay shirguddoonka Barlamaanka iyo hoggaanka waaxda garsoorka qaranka Somaliland.

Wa-bilaahi Tawfiiq.

Image may contain: 3 people, people sitting, people standing, wedding and indoor

Image may contain: 14 people, people smiling, people standing

Image may contain: 11 people, people smiling, people standing and suit

Image may contain: one or more people, people standing, car and outdoorImage may contain: 2 people, people standing, car and outdoorImage may contain: 4 people, people standing, beard and outdoor

Image may contain: 2 people, people standingImage may contain: 4 people, people smiling, people standing

Image may contain: 7 people, people smiling, people standingImage may contain: 7 people, people smiling

Image may contain: 3 people, people sitting, table and indoor

Image may contain: 1 person, sitting and indoor

Image may contain: 1 person, indoor

Image may contain: 5 people, people standing, wedding, suit and indoor

Image may contain: 6 people, people sitting, table and indoor

Image may contain: 4 people, people smiling, people sitting and table

Image may contain: 5 people, people sitting, table and indoor

Image may contain: 6 people, people sitting and tableImage may contain: 10 people, people smiling, people standing and suitImage may contain: 3 people, people standing and outdoorImage may contain: 3 people, people smiling, people standingImage may contain: 4 people, people smiling, people standing

Image may contain: 5 people, people smiling, people standing and suitImage may contain: 9 people, people smiling, people standing and suit

Image may contain: 8 people, people smiling, people standing and suitImage may contain: 4 people, people standing and suitImage may contain: 12 people, people smiling, people standingImage may contain: 9 people, people standingImage may contain: 5 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 2 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 1 person, sittingImage may contain: 6 people, people smiling, people standing and indoorImage may contain: 1 person, standing, sky, tree and outdoorImage may contain: 1 person, smiling, suitImage may contain: 1 person, hat and closeupImage may contain: 2 people, people smilingImage may contain: 1 person, sitting and tableImage may contain: 2 people, people sittingImage may contain: 2 people, people sitting, table, drink and indoorImage may contain: 1 personImage may contain: 6 people, people smiling, people sitting and tableImage may contain: 1 person, standingImage may contain: 2 people, people sitting, table and indoorImage may contain: one or more people and people sittingImage may contain: 2 people, people sitting, people eating, table, drink and indoorImage may contain: one or more people, people sitting, sunglasses, beard, closeup and outdoorImage may contain: 2 people, people eating, people sitting, table, child and foodImage may contain: 1 person, smilingImage may contain: one or more people, hat and beardImage may contain: 2 people, people sitting, table, drink and indoorImage may contain: 1 person, standing and suit

Image may contain: 1 person, outdoor

Leave a Reply