Xildhibaan Bukhaari oo Sheegay Xisbiyada Mucaaridka ahi ay Quus ka Joogaan Doorashooyinka Dambe

0
586

Hargaysa (Dawan):- Xildhibaan Saleebaan Cawad Cali Bukhaari oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa jawaab adag ka bixiyay hadalo ka soo yeedhay xisbiyada mucaaradka ee Waddani iyo UCID.

Xildhibaan Bukhaari, ayaa siyaasiyiinta iyo madaxda xisbiyada mucaaridka u soo jeediyay in ay ka waantoobaan hadalada dadka kicinaya ee bulshada kala fogaynaya.

Waxa kale oo uu intaa ku daray in ammaanka qaranka iyo nabad gelyada dalka in ay masuul ka tahay xukuumadda Somaliland, isla markaana sugidda ammaanka aanay cidna u daba fadhiisanayn.

Xildhibaanka oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi. “Mucaaradka waxaan leeyahay sidan aad wax u wadaan waxba idiinku hagaagi maayaan, waxaanan u arkaa niman quustay oo isleh doorasho dambe heli maysaan, ninka maalin walba Somaliland aflagaadaynaya ee madaxdeeda aflagaadaynaya ee digteetar ku sheegaya ee leh talisyadii hoogay halkooda ayay marayaan, ku waasi waa qaran dumis, waana in lagu qaado qodobka 222, waa dambiileyaal hadaad doonayso inaad umadda kiciso lagaa aqbali maayo in qaranka aad dumisaan.”

Mar uu ka hadlayay dhibaatooyin kala dambeeyay oo ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Sanaag iyo siday xukuumaddu tacab badan u galisay soo afjaridda dagaal beeleedyadii deegaanada ka dhacay, waxaa uu yidhi. “Madaxweynuhu dhibaatooyinkii ka taagnaa Gobolka Sanaag ee soo noqnoqday ee dagaal qabiileedka ahaa culays xoogle ayuu saaray si uu u xalliyo, waanu ku guulaystay bulshada ayaana uga markhaati ah culayskii uu galiyay shaqaaqadii iyo dhibaatadii ka soo noqnoqotay ee Ceelafwayn ka dhacday sidii Xukuumaddu u dhamaysay.”

Waxaa kale oo uu sheegay in Xukuumadda lagu garab taaganyahay sugidda xasiloonida gobolka Sanaag. waxaanu yidhi “Waxaanu qof waliba ku taageersanyahay Xukuumadda in ciidamada kala duwan ee Qaranku in hawsha amniga ay sugaan, qofkasta oo khalkhal galinaya amnigana inay waajibaadka Dastuuriga ah ka gutaan, aniga oo gobolkaa Sanaag layga soo doortay waxaan usoo jeedinayaa dadka gobolka Sanaag in ciidamada kala duwan ee qaranka inay la shaqeeyaan oo ninkii fal dambiyeed gala ay farta ugu fiiqaan.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply